Wasiirka Deegaanka Oo Abaalmarisay Shaqaalihii Ugu Shaqadda Wanaagsanaa 2021-kii+Sawirro

0
556

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa abaalmarisay shaqaalihii ugu shaqadda wanaagsanaa sanadkii tegay ee 2021-kii.
Xaflad balaadhan oo lagu Abaalmarinaayey shaqaalaha ugu shaqada Wanaagsanaa sanadkii tegay 2021-ka, ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.


Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay wasiirka deegaanka, wasiirka xidhiidhka goleyaasha, agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka, agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi, shaqaale weynaha wasaaradaasi.
Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay xubno isugu jiray agaasimeyaal, guud, wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ka socday haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda deegaanka, iyo marti sharaf kale.


Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay xafladaasi ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in shaqaalihii shaqo wanaaga muujiyay sanadkii ina dhaafay la abaalmariyo.

HALKAN KA DAAWO: Khudbadii Wasiir Shukri Baandare ee lagu abaalmarinayay Shaqaalihii ugu Shaqada Wanaagsanaa 2021-Kii:


Geesta kale waxaa isna xafladaasi hadal ka jeediyaya agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/kariin Aadan Cade, oo ka waramay muhiimadda ay leedahay in la abaalmariyo shaqaalihii dedaalka muujiyay.

DAAWO: Khudbadii agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/kariin Aadan Cadde iyo hadalkii abaalmarinta Shaqaalihii ugu Shaqada Wanaagsanaa 2021-ka:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here