IGAD Oo Unbalance ah Ku Wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

0
648

Hargaysa (HP): Urur goboleedka IGAD ayaa maanta baabuur unbalance ah ku wareejiyay jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland.
Baabuurkaasi unbalance-ka ah ayaa loogu tallo galay inuu ka shaqeeya dhinaca xuduudaha dalkan Somaliland gaar ahaana xuduudka degmadda Tog-Wajaale, ee gobolka Gabiley.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaana baabuurkaasi unbalance-ka ah kala wareegay masuuliyiin ka socday ururka goboleedka IGAD.
Munaasibadii wareejinta baabuurkaasi oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaaladda Hargaysa, waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.
Masuuliyiin ka socday urur goboleedka IGAD, iyo sidoo kale qaar ka mid ah khubarradda caafimaadka iyo dhakhaatiir uu ka mid ahaa Dr. Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nagruuma), iyo xubno kale.

Baabuurkan unbalance-ka waxaa soo iibintiisa iska kaashaday urur goboleedka IGAD iyo ururka midawga Yurub, Kaasoo qayb ka ah sidii wadamada ku jira urur goboleedka IGAD meelaha xuduudaha ah ee la iskaga gudbo guud ahaanba loo wada gaadhsiin lahaa gaadiidkaasi.
Iyadoo sidoo kale ay mashruucaasi qayb ka yihiin tababaro la siin doono dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo sidoo kale agab loogu tallo galay in lagaga gaashaanto xanuunka Coronavirus.
sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland oo hadal ka jeediyay goobtii uu baabuurkaasi kula wareegayay.
Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa urur goboleedka IGAD iyo ururka Midawga Yurub uga mahad celiyay baabuurkan unbalance-ka ah ee ay ku wareejiyeen.
Waxaanu sheegay Dr. xergeeye, in xidhiidh dhaw oo wada shaqayneed uu ka dhexeeyo wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo urur goboleedka IGAD.

Dhinaca kale sarkaal ka socday urur goboleedka IGAD oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay xidhiidhka dhaw ee wada shaqayneed ee ay leeyihiin wasaaradda caafimaadka Somaliland.
Waxaanu masuulkaasi balan qaaday in ay sii kordhin doonaan wada shaqaynta ka dhaxaysa xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda caafimaadka.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here