Somaliland Oo Wefti Culus U Diraysa Dalka Taiwan

0
646

Hargaysa (HP): Dawladda Somaliland ayaa la sheegay in ay wefti culus oo heer sare ah dhawaan u dirays dalka Taiwan.
Weftigan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa oo ay Somaliland u dirayso dalka Taiwan, tan iyo markii ay labadda xidhiidhka saaxiibtinimo samaysteen.
Ma jiro War rasmiya oo Xukuumaddu ku sheegtay weftiga la dirayo, balse Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa sheegay in wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud.
Iyadoo la filayo in ay dhawaan safar ugu baxayaan dalka Taiwan, ka dib markii Jamhuuriyadda Somaliland Marti-qaad rasmiya ka heshay Madaxweynaha dalkaasi Tsai Ing-wen.

Waxa kaloo warku uu sheegayaa in weftigaasi Wasiirka Arrimaha dibedda ka mid noqon doona Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Cumar iyo Xubno kale oo muhiim ah.
Weftigan ayaa la filayaa inay Hargeysa ka ambo-baxaan 7-da bishan February 2022-ka.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here