Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Oo Iska Diiday Inuu Buuxiyo Fursad Xildhibaanimo Oo Uu Haysto

0
905

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Axmed Cabdi Kaahin, ayaa iska diiday inuu ka mid noqdo Golaha Wakiilada isla markaana buuxiyo Jagadii uu baneeyey Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane oo dhawaan Geeriyoday.

Wasiir Axmed Cabdi Kaahin ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii UDUB ugu sharaxnaa Gobolka Awdal balse aan soo bixin, waxaanu yahay Xildhibaan 13, haddii wasirku buuxin waayo jagadaasi  waxa dhacaysa in aanay Xilkaasi cid kale buuxin maadama oo ay dhammaadeen 13kii xildhibaan ee UDUB uga sharaxnaa AWDAL.

Wasiir Axmed Cabdi Kaahin, oo maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inuu Ogyahay inuu haysto fursadaasi Xildhibaannimo,  balse aanu rabin inuu buuxiyo. Waxa uu sheegay inuu ka door bidayo Xilkiisa Wasiir-nimo ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay.

Wasiirku waxa uu sheegay inaan beeshiisu arrintan kala tashadan isna aanu la soo hadal qaadin, inuu la soo hadal qaadana rabin.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here