Iiraan iyo Waddamada Quwada leh oo Heshiiyay ka gaaray Nuclear-ka Iiraan

0
1015

Hal toddobaad kaddib oo ay wada-xaajood is-daba-jooga ah lahaayeen dalalka Iiraan iyo lixda wadan ee dunida ugu awoodda badan ayaa waxay ku heshiiyeen qaabka uu noqonayo heshiinka kama dambeysta ah ee barnaamijka Nuclear-ka Iiraan.

Isagoo ka hadlaya Aqalka Cad ee Mareykanka Madaxwayne Barack Obama ayuu sheegay in heshiiskan uu ka dhigi doono dunida amaan haddii sida uu yahay uu horseedo heshiis dhamaystiran oo Nuclear-ka Iiraan laga gaaro bisha soo socota ee Juun.

 Iran’s foreign minister, Mohammad Javad Zarif, is mobbed by well-wishers in Tehran. Photograph: EPA
Iran’s foreign minister, Mohammad Javad Zarif, is mobbed by well-wishers in Tehran. Photograph: EPA

Madaxwayne Obama ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen Iiraan iyo lixda waddan ee caalamka ugu awoodda badan; kaasoo ku saabsan qaabka uu noqon doono heshiiska kama dambeysta ee banaamijka Nuclear-ka Iiraan.

Sidoo kale, Obama wuxuu sheegay in arrintaas shaqo badan la galiyay taas oo miro noqday Khamiistii shalay. Iyadoo heshiiskan uu noqonay midkii ugu horreeyay oo ay dalalkan iyo Iiraan gaaraan.

Federica Mogherini oo ah siyaasiyad sare oo ka tirsan ururka Midowga Yurub ayaa goobta ka akhrisay heshiiska wadajirka ah ee ay soo saareen dalalka awoodda leh iyo Iiraan kaas oo qeexayay qodobbada ugu doorka roon ee heshiiskaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin in la yareeyo habka isticmaalka Nuclear-ka Iiraan.

Heshiiska_Hubka_Iiraan

In is-bedel lagu sameeyo meelaha loo isticmaalo farsameynta Nuclear-ka Iiraan iyo in laga qaado cuna-qabataynta dalkaas hadii tallaabooyinkaas la xaqiijiyo.

Heshiiskan waa is-fahan aan qornayn, waana heshiis aan caadi ahayn oo aasaas u ah wada-xaajood aad udag oo arrinta lagu ballaarinayo ee  ay gaareen Iiraan iyo dalalka Quwadda leh.

Ugu dambeyn, dadka ka sooshaqeeyay waxay u dabaal-dagayaan tallaabo adag oo ay ku guulaysteen suuro-galna ka dhigaysa inay gaareen arrin taariikhi ah.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here