Wasiirka Beeraha Somaliland oo Ka Hadley Roobabka Gu’ga Ee Ka Curtay Dalka

0
1400

Hargeisa (Hargeisa Press)– Wasiirka wasaarada horumarinta Beeraha Somaliland Mudane, Axmed Muumin Seed ayaa waxaa uu ka hadley Roobabka gu’ga ee ka curtay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Axmed Muumin Seed, wasiirka Beeraha Somaliland oo ay weheliyaan masuuliyiinta waaxda saadaasha Hawada ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixin ay waaxda saadaasha hawada ee wasaarada Beerahu ka soo saartay curashada roobabka gu’aga oo 24, 25 ilaa 26 march uu sheegay inay ka bilaabmayaan gobolada Somaliland, waxaana uu wasiirku sheegay in Roobab aad u wanaagsani ka da’i doonaan gobolada Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu wasiirku fariin u diray dhamaanba Beeralayda Somaliland ee ku hawlan dhinaca wax soo saarka la quuto inay u diyaar garoobaan sidii ay u xoojin lahaayeen wax soo saarka sidii Sanadkii dhawaa ee 2019 oo ahaa mid gayiga Somaliland oo dhan ay kasoo go’een wax soo saarkii ugu badnaa, islamarkaana ay aad iyo aad ugu dadaaleen bulshada ku dhaqan Somaliland.

Wasiirka Ahmed Muumin Ayaa sheegay inay wasaaradiisu dedaal dheeriya ugu jirto sidii Somaliland dhanka wax soo saarka iskaga filnaan lahayd imikana ay aad u sarayso dhanka wax soo saarku beeruhu.

Wasiirka beeraha Somaliland ayaa waxaa kale oo uu ka hadley Khudaarta kala duwan ee ka timaada dalalka dibadiisa ee Somaliland la keeno iyo waxa uga meel yaala sidii looga maarmi lahaa.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here