Roobabkii Gu’ga oo Ka Curtay Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland

0
1376

Hargeisa (Hargeisa Press)– Waxaa guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ka curtay oo ka da’ay roobabkii xilliga Gu’ga oo ay ku diirsadeen dadku.

Deegaamada ay roobabku ka curteen ayaa waxa ka mid ah deegaamo ku yaalla Gobolada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, waxaanay lagu soo waramayaa in deegaano badan ay ka da’een roobabkaasi oo lagu qabawsaday islamarkaana ay biyo dhigeen.

Haddaba, Roobabkan oo bilow ah ayaa si weyn dadku u sugayeen oo ay ILAAHAY uga baryayeen inuu raxmaadkiisa u soo shubo maadaama oo haatan meelo badan oo dalka ka mid ah ay haleeshay Abaar baad iyo biyo la’aan ah oo saamaysay dadkii iyo duunyadii ba.

Waxaanay roobabkani ku soo beegmayaan iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay abaaro ka jireen qeybo ka mid ah gobollada dalka Somaliland.

Curashada Roobka Guga ayaa kusoo beegmaya wakhti abaaro saameeyay dadka iyo duunyada ay ka jiraan dhamaanba gobolada dalka Somaliland, xiligii deyrta oo ay roobabku ka da’i jireen ayaa baaqday taasi oo abaaro keentay.

Roobkan ayaa sidoo kale da’ay xilli ay dadweynuhu ka cabanayaan kulayl, inkasta oo lagu jiro bisha March oo Cimiladu isku beddesho kulayl, maaddaama oo Cirku tusan yahay.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here