Itoobiya oo Ciidamo Cusub iyo Gaadiid Dagaal U Soo Dirtay Soomaaliya+Sawirro

0
1927

Jigjiga (Hargeisa Press) – Magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa lagu arkayey gaadiid dagaal oo tiro badan oo ku wajahan dalka Soomaaliya.

Gaadiidkan waxaa dusha kaga qoran AU (African Union) laakiin taarikada numberkoodu waxay ahayd Itoobiyaan.

Dawladda Soomaaliya iyo ta Ethiopia midna kama hadal ujeedka gaadiidkan dagaal ee la sheegay in ay u socdaan dhanka Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

Warkaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu kulan la qaatay Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiya Axmed magaalada Addis Ababa.

Ciidankan watta gaadiidkan dagaal ayaa waxaa ilaa iyo hadda cadeyn deegaanada ay ku socdaan.

Hargeisa Press Desk/Jigjiga Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here