Somaliland Oo Ku Gacan-saydhay Mashruuc Soomaaliya Ka Fulinayso Berbera

0
674

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda Somaliland ayaa ganafka ku dhufatay mashruuc horumarineed oo ay dawladda federaalka Soomaaliya sheegtay in ay ka fulinayso magaaladda Berbera.

Kadib mashruuc ku kacaya 23 milyan oo Yuuro oo ay dawladda  Soomaaliya maanta la saxeexatay ururka midawga Yurub oo ay sheegeen in 7 milyan oo lacagtaas ka mida wax lagaga qaban doono jidadka iyo bulaacadaha magaaladda Berbera.

Wasiirka gaadiidka iyo jidadka Somaliland C/laahi Abokor Cismaan, ayaa sheegay in aanay Somaliland marnaba aqbalaynin in dhulkeedda laga fuliyo mashruuc lagu soo qaaday magaca Soomaaliya, kaasoo uu tilmaamay in la siyaasadeeyay.

Maadaama labadda magac ee lagu sheegay mashruucani ay Somaliland ka dhex aragto u jeedo ah in la siyaasadeeyay, sidaas darteedna aanay ogolaan karin in dalkoodda laga fuliyo.

Wasiirka Gaadiidka Cabdillaahi Abokor Cismaan

 

Wasiir C/laahi Abokor, oo ka hadlayay waxay kala socdaan mashruucaasi, waxa uu yidhi “Anagu arrintaasi warbaahinta ayuun baan ka maqalnay, wax aan kala soconaana ma jirto.

Mashruucaasi laba magac ayaa loo bixiyay, mar waxaan maqalnay in la yidhaahdo Eng. Yariisow. Marna in lagu sheegayay mashruuca horumarinta magaalo xeebeedyadda ee Soomaaliya (Somali coastal development project).

Labadaasina Somaliland wax khuseeya ma aha. Anagu-na Somaliland ayaanu nahay ee Soomaaliya ma nihin. Berbera-na Soomaaliya kama mid aha”.

Wasiirka oo la waydiiyay, maadaama oo Somaliland ay hore dawladda Soomaaliya ugu eedaysay in ay ka hor istaagtay mucaawimooyinka sababta ay mashruucan ku diidayaan, waxa uu jawaabay,  “Midawga Yurub Somaliland si toos ah ayuu u caawiyaa.

Waxaana jira mashruuc la yidhaahdo SRNP, oo ay midawga Yurub wax ku soo daraan dhaqaalaha. Waxa kaloo jira mashaariic fara badan oo ay Somaliland ka qabtaan, kuwaasoo dhamaantoodba Somaliland si toosa loola macaamilo”ayuu yidhi wasiirka gaadiidka iyo jidadka Somaliland oo caawa la hadlay BBC.

Geesta kale wasiir C/laahi Abokor, ayaa ku eedeeyay dawladda Farmaajo in ay siyaasadaysay mashruucani. Waxaanu yidhi  “Soomaaliya, wax kastaba way siyaasadaynaysaa, oo mucaawimadda hore ayay u siyaasadaysay.

Wasiirka qorshaynta Soomaaliya-na wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii hore u soo jeediyay in meesha laga saaro nidaamka gaarka ah ee wadamadda qaar ay kaalmadda sida tooska ah u sii yaan Somaliland.

Waxa kaloo imika jira sheegasho ay dawladda federaalku tidhaahdo Somaliland waa qayb ka tirsan Soomaaliya. Qodobka aan diidan nahayna waa qodobkaas”.

“Waxaananu jeclaan lahayn, in wixii mucaawimo ah ee Somaliland la siinayo si toosa loo siiyo. Anaga halkaas ayay naga taagan tahay.

Cad quudheed Somaliland ma qaadanayso, 7-da milyan ee ay Soomaaliya sheegtay in Berbera lagu horumarinayo, in ka badan oo boqolaal mashruuc ah ayaa Somaliland ka socda. Waxaanan u aragnaa in arrintan la siyaasadeeyay”ayuu yidhi wasiir C/laahi Abokor.

Dhinaca  kale wasiirka gaadiidka Somaliland  waxa uu sheegay markii ay qiimeeyeen hadaladii masuuliyiinta Soomaaliya ee xafladii maanta lacagta mashruucaasi lagu kala saxeexanayay ay u arkeen in ay Somaliland ka dhigeen maamul goboleed.

Sidoo kale-na  aanay Berbera ka dhagax dhigi karin masuuliyiinta dawladda Farmaajo mashruuca ay sheegeen in ay ka fulin doonaan.

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Mashruuc la yidhaahdo Eng. Yariisow, oo maanta Berbera uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ama wasiirka qorshaynta ee maamulka Xamar  ka dhagax dhigi karaa, ma jirto.

 

Markii aanu u fiirsanay hadalkoodii, waxaan u fahamnay in ay Somaliland ka dhigeen maamul goboleed. Somaliland-na 7 milyan iyo in ka badan toona maamul goboleed ku noqon mayso.

Somaliland mar kasta waxay ka soo hor jeedaa, wax dawladda Soomaaliya masuul ka tahay. Somaliland waxay u taagan tahay, wax iyadu masuuliyadeedda iyo maamulkiisaba ay leedahay”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here