Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Dalka Itoobiya Kulan Kula Yeeshay Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha Dibada Dalka Itoobiya Iyo Nuxurka Qodobada Laga Wada Hadlay

0
953

Addis Ababa, (HargeisaPress) —Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Sa’ad Ali Shire oo mudo laba cisho ah safar shaqo ku jooga wadanka Ethiopia ayaa kulan la qaatay Wasiir-Dawlaha Arrimaha Dibedde ee Qaybta horumarinta dalka Ethiopia  Mudane, Regase Kefalew oo uu wehelinayey agaasimaha wasaarada arimaha dibada Ethiopia u qaabilsan wadamada deriska ah Haile Gabre Selese.

 

kulankaas oo ay labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

13434766_1132918370103003_5651312568082626619_n

Kulankan oo daba socday safarkii weftiga Ethiopia ay ku tegen dhawan Somaliland, waxa diirada lagu saaray iskaashiga, ganacsiga, siyaasadda, dhaqaalaha,Berbera corridor.

 

Kulankaas  ayaa wasiirka arimaha dibada somaliland waxa ku wehelinayey  Safiirka Safaaradda JSL ee Itobiya, Mudane Adam Muse Jibril, iyo Safiir ku Xigeenka Safaaradda JSL ee Itobiya, Mudane Ayanle Salad Deria.

arimaha

Kulankaasi waxuu ku soo dhamaday isgarad iyo wadashaqayn joogtaysan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here