Wasiirka Arimaha Guduhu Waa Shakhsi Ku Sifoobay Hawl Kar Nimo Iyo Caadcad Wasiir Yaasiin X. Maxamud (Faratoon)

0
1009

Marka hore waxaan salaamaya guud ahana warbaaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland, sida fiican ee ay aaraada dadwaynaha u soo bandhigaan una gudbiyaan, waxaan leeyahay warbaahinta hawsha adage e aad haysaan allah haydiin fududeeyo.

 

Inagoo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada  Buuuhoole xidhibaan Cismaan Faarax Warsame Jiciir waxaan halkan bogaadin uga dirayaa Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Mr.  Yaasiin Xaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Sida fiican ee uu durba xalka uga gaadhay shaqaaqooyinkii la kawsaday magacaabistiisa.

 

Intaas ka dib waxan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeedinayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland mudadii koobnayd ee uu magacawnaa sidii uu u xaliyay xilaafaadkii ka dhacay meelo badan oo dalka ah, kaas oo ay ugu horaysi sidii uu xalka uga gaadhay shaqaaqadii ka dhacday koonfurta gobolka sool gaar ahaan dharkayn geenyo, kacdoonkii laascanod gadaheeda ka dhacay iyo shaqaaqadii ka dhacday gobolka sanaag gaar ahaan degmada ceel afwayn.

 

Wasiirka oo muujiyay howl karnimo iyo daacad waxan leeyahay alla hakula garab galo hawlaha culus ee aad qaranka u haysid, waxan maqlayay oo maal mahanba aan media-ha ku arkayay xildhibaano ku hanjabaya codkooda xubin nimo oo leh cidina ansixin mayso wasiirka arimaha Gudaha Mr. Faratoon, waxaan leyahay xubnahaas idinka ayay idiin gaar tahay waxaaas aad ku hadlaysaan e maaha mid idin khaysaysa ee waa arin gola waynaha u taala.

 

Wasiir arimaha Gudaha ee Somaliland waxaan leeyahay horumarka iyo adkaynta nabad galyada ee ad wado waanu kugu taageersanahay  waana taas muuqata ee aad arkaysaan wax ka qabanshadeeda, waxaanan leeyahay ninkii necen iyo jecelowba xinjirtaada dib u liq.

 

Allaa Mahad leh

Xildhibaan: Cismaan Faarax Warsame ‘Jiriir’

Burao Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here