Wasiir Caddaani Oo Ka Hadlay Gaadhi Wasaaradda Maaliyaddu Leedahay Oo La Qafaashay

0
742

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiiru dawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid(Caddaani), ayaa sheegay in Gaadhi Wasaaraddiisu lahayd oo dhawaan laga qafaashay Boorama ay ka wada hadleen Dawladda Ethiopia sidii ay u soo celin lahayd.

Gaadhiga oo Wakhti subax ah laga qafaashay Magaalada Boorama ayaa lagala talaabay Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland u dhexeeya, halkaasi oo ay muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaayeen kooxda Suldaan Wabar.

“Gaadhigaasi waa Gaadhi subax hore laga qafaashay magaalada Boorama badhtamaheeda, Ethiopia ayaa gaadhigaasi lala galay, Hawshiisa waa lagu jiraa, Ciidamada Somaliland mid gobol iyo mid qaran ba way ku hawl jiraan, Ciidamada ayaynuna ka sugaynaa hawshiisa” ayuu yidhi Mr Caddaani.

Wasiiru dawlaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi raaciyay “Jamhuuriyadda Somaliland marna ma aqbali karto, mana yeeli karto, mana u dulqaadan karto iska daa xoolo dawladeede qof budhcad ah ama Argagixiso ah inuu Somaliland gudaheeda ku noolaado”.

Muddooyinkii u dambeeyay ayay Xuduudka Gobolka Awdal la wadaago Ethiopia uu noqday mid amnigiisu khalkhal galay kadib markii halkaasi uu galay Suldaanka Somaliland ka falaagoobay ee Suldaan Wabar.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here