Maalgashiga Marsada Berbera Waa Horumarka Bilicda Iyo Dhaqaalaha Wadanka By: Haashi Abdi

0
869

Beryihii  u danbeeyey waxaa soo baxaayey  barnaamij maalgashi oo ay shirkado shisheeye doonayeen inay ku maalgashadaan marsada berbera  oo ah tan ugu weyn geeska Africa , arintaasi waxaa si xoogleh uga qeyliyey xisbiyada mucaaradka oo aan kala garanyn horumarka dalka iyo dib u dhaca dalka marka aad si u eegtidna aad is odhanayso malaa waxay jecelyihiin inaan dalkuba horumarin.

Hore waxaan u dhegaystay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi  Cali xaaji Xasan oo sharaxaad ka bixiyey  wuxuu sheegay inay jiraan, sidii shirkada ajabina  loola geli lahaa heshiis islamarkaana looga qaadan lahaa ta ugu wanagsan ee anfacaysa dekeda berbera oo la doonayo in laga dhigo sida dekedaha casrigaa oo kale, waxaana ay noqonaysaa mashruuc horumarineed oo abuuri kara  shaqo abuur iyo  ilo dhaqaale.

Wasiir xirsi ayaa page kiisa facebook kusoo  daabacay qoraal  uu kaga hadlaayo isaga iyo wafti uu hogaaminaayo oo u dhaafay wadaka Imaaradka halkaasi oo ay kulan kula qaadan doonaan shirkada laga leedahay dalkaasi, taasi oo danaynsa  maalgashiga dekeda berbera , Wasiir xirsi waxaan leenahay horumud baad u tahay in qarankan uu horumaro,  waa masuul jecel in wadanku dhismo isagoo ka duulayada siyaasada iyo amarka madaxweyne siilaanyo.

Horumarkasta oo dalkan  usoo kordha dhaqaale ahaan bilic ahaan  iyo magac ahaanba  waa inoo sharaf, waxaana fiican xisbiyada mucaarid ku sheegu inay ka wantoobaan, qalooca  iyo turjumaada ay ka bixiyaan wnaag kasta oo la wado, looma diidana inay ka hadlaan wixii khaldan ee balse wixii dadka iyo dalka dan u ah inay soo dhaweeyaan weeye ee maaha inay  ka xumaadaan oo dalkooda xaasid ku noqdan.

Haashi Abdi 

haashi75@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here