Wasaaradda Waxbarashadu Maxay Ka Tidhi Eedaha HEMO BOOKS?

0
889

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa ka jawaabtay eedaymo ay u soo jeedisay shirkadda daabacaadda ee Hemo Books.

Guddi farsamo oo wasaaradda waxbarshadu u saartay arrintaasi eedaha shirkadaas, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin eedaymaha ay shirkadda daabacaadda ee HEMO BOOKS ay u soo jeedisay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Waxanay intaas ku dareen guddidaasi in wasaaradda waxbarshada iyo saynisku ay heshiis kula galeen shirkaddaasi sannadkii 2016-kii daabacaadda manhajka dugsiyada hoose iyo kuwa sare ee dalka, waxayna ay tilmaameen in wasaaradda waxbarashada iyo saynisku ay xaq u leedahay, isla markaana ay u dhawrantahay xuquuqda manhajka waxbarasho ee Somaliland, taas oo sharcigu siinaayo in ay dib u qori karto.

Guddidan farsamo ee wasaaradda waxbarashada iyo saynisku ay u xil saartay khilaafka shirkadda daabacadda buugaagta ee HEMO BOOKS iyo wasaaradda waxbarshada, ayaa intaas ku daray in sidii hore uu sharcigu ugu ogolaaday shirkaddaasi inay soo daabacdo buugta ay imikana wareegtada ka xeerarku u ogaol yihiin lagu daabaco madbacadda qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here