Gaalkacayo: Maxkamad Dil Ku Xukuntay Shan Qof

0
574

Gaalkacayo (HP): Maxkamad ciidan oo ku taalla magaaladda Gaalkacayo ayaa maanta xukunno ku riday ragg ku eedaysnaa in ay ka tirsan yihiin Alshabaab.
Maxkamadda ciidamadda ee maanulka Puntland ee goboladda Mudug iyo Cayn, oo kiiska nimankaasi qaaadaysay ayaa maanta go’aamo iyo xukunno ka soo saartay.
Eedaysanayaashaasi oo ahaa11 nin ayaa shan ka mid ah lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin xarakadda Alshabaab.
Kuwaasoo dilal hore uga gaystay magaaladda Gaalkacayo.


Shan ka mid ahaa eedaysaneyaasha ayaanay dil toogasho ah ku xukuntay maxkamadu.
Halka lixda nin ee kale oo kiiskooodu tuhun ahaa ay siidaysay maxkamadu, isla markaana sidaa ay xoriyadooda ku heleen.
Sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda derejadda koowaad ee ciidamadda ee goboladda Mudug iyo Cayn Puntland aashaanle sare C/laahi Cabdi Shirre.

DAAWO: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here