Wasaaradda Waxbarashadda oo Soo Saartay Habraaca Waxbarasho Ee Xannuunka Covid-19

0
1036
Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland
Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland ayaa soo saartay habraaca Xannuunka Covid 19 ee Dugsiyadda Waxbarasho ee guud ahaan Gobolladda dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Axmed Abokor Maxamed ayaa warbaahinta u soo bandhigay qodobada habraaca waxbarasho ee xaalada Covid 19 ee goobaha waxbarasho.

Waxaana ka mid ah Qodobadan:-

1. In la fuliyo dhamaan habraacyada Xanuunka COVID-19 ee ay hore usoo soo saartay Guddida heer Qaran ee ka hortaga Covid-19.

2. Si kala fogaanshaha loo hirgaliyo, fasalka cabbirkiisu yahay 8M X 6M waxaa loo ogolyahay in ay wax ku dhigtaan ugu badnaan 45 arday oo kaliya.

3. Hawl-wadeenada dugsiyada iyo Ardayda ku jirta fasalada 5aad iyo wixii ka sareeya ilaa dugsiyada Sare waa in ay AF-SAAB xidhaan wakhtiyada goobaha waxbarashada lagu jiro.

4. Sida ku cad Xeerka Waxbarshada Qaranka Lr.77/2018, Dugsiyada waxa la dhiganayaa 39 Todobaad ama todobaad sanadkiiba.

5. Sida ku cad siyaasadda waxbarshada Qaranka, todobaadkii waxaa la dhiganyaa 5 cisho oo ah Sabti ilaa Arbaca, waxaana la qaadanayaa 30 xiisadood oo maalin kasta la dhiganayo 6 xiisadood oo midiiba tahay 45 daqiiqo, marka laga reebo ardayda dugsiyada Hoose iyo ardayda ku jirta dugsiyada Qalin-ababka ee (Barbaarinta).

6. Saacadaha ardaydu wax dhiganayso gelinka hore waa 7:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo, gelinka dembana waxa ay waxbarashadu bilaabmaysaa 12:15 duhurnimo illaa 5:15 galabnimo.

7. Ardayda dugsiyada ku jirta waa in la siiyaaa fursad ay ku nususaace tagaan, illaa inta la dhammaystirayo hab-raaca nususaacaha oo wadatashigiisu socdo.

Geesta Kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ayaa Tilmaan ka bixiye qodobada reeban waxaana ka mid ah

8.1. Kulamada lagama maarmaanka ah sida kulamada waalidka, kulamada shaqaalaha, kulamada ardayda, Ciyaaraha iwm inta lagu jiro xaalada caabuqa COVID-19

8.2. In ardayda wax loogu dhigo maalin-dhaaf .

8.3. In ardayda laga qaado lacag aan ahayn fiiga dugsiga iyo in ardayda lagu qasbo in ay iibsadaan buug gaar ah.

Axmed Abokor Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ayaa faray dhamaan guddoomiyaasha goboladu in ay fuliyaaan awaamiirtaas, kuwaas oo laga hirgelinayo goobaha waxbarashada dalka inta lagu jiro xaalada COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here