Wasaaradda Beeraha Oo Bilowday Tumista Iyo Jawaanno Ku Cabbaynta Hadhuudhkii Ka Soo Go’ay Banka Wajaale + SAWIRRO

0
1106

Wajaale , (HargeisaPress) –Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland oo Bilihii u dambeeyay u dambeeyay ku hawlanayd Madax ka jarista iyo Goynta Hadhuudhkii laga beeray Banka Wajaale ee Gobolka Gabiley, ayaa Maanta bilowday Tumista Hadhuudhkaasi iyo Cabbayntiisa ama Jawaanno ku Guristiisa.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo illaa Bishii October ee sannadkan 2018-ka bilowday Madax ka jarista Hadhuudhka iyo Goynta Caleentiisa, ayaa Maanta gelinkii hore si rasmi ah u bilowday Tumistiisa, si loo kala saaro Midhaha Hadhuudhka iyo Xamakuda.

Hawshan oo ka socota Saddex meelood oo ka mid ah Mashruuca Banka Wajaale, ayaa Wasaaraddu waxay kala Saaridda Hadhuudhka iyo Xamakuda u adeegsanaysaa laba Hab, kuwaasi oo kala ah, habkii Qadiimka ahaa ee Raggu sida Wada-jir ah u tumayeen iyo Saddex Mishiin oo Casri ah, kuwaasi oo iyagana loo adeegsanayo Kala Saaridda Midhaha hadhuudhka iyo Xamakuda, waxaana hawshan ku jira illaa 30 Qof oo ka mid ah 230 Ruux oo Wasaaradda Beeruhu u shaqalaysiisay Mashruuca Banka Wajaale, kuwaasi oo ka mid ah Bulshada ku hareeraysan Banka Wajaale.

Maareeyaha Mashruuca Banka Wajaale, Mowliid Xasan Cabdi oo ka hadlay bilowga Tumista Hadhuudhka ka soo go’ay Mashruuca Banka Wajaale ee Wasaaradda Beeruhu Gacanta ku hayso, ayaa yidhi “Mashruucan waxaanu bilowdnay 24/04/2018, waxayna Wasaaraddu ka hirgelisay Dalagyo kala duwan, Maanta waxaanu u joognaa oo aanu bilownay Tumista Hadhuudhka, waxaanu haysanaa 3 Mishiin oo shaqadoodu tahay inay tumaan Hadhuudhka oo ay u kala saaraan Midho iyo Xamaku.”

Agaasimaha Waaxda Fidinta iyo Cilmi-baadhista ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, Maxamed Daahir Warsame oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa la qoday 720 Higtar oo Sannadka bilow noo ahaa, Caleenta oo keliya markaanu qiyaasnay waxay noqonaysaa 14,400 Tan ama 2400 oo Shaamboo oo Caleen ah..”

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here