Wasaarada Waxbarashada oo Shaacisey Inay Ku Daba Jirto Dugsiyo Waxku Dhigay Manhaj Ka Hor Imanaya Diinta

0
1402

Hargeisa (Hargeisa Press)– Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa ka hadlay hadalo maalmihii ugu dambeeyey laysla dhex qaadaayey oo sheegaayey in qaar kamid ah dugsiyada wax lagu barto ee dalku ay bixiyaan Maadooyin kasoo horjeeda Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban.

Waxa uu wasiirku sheegay in ay heleen xaqiiqooyinka dhabta ah ee jira, ciddii arrintaas lagu helayna  in ay ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan,waxaanu sheegay in aanay Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku samayn faaf reeb ku saabsan buugaagta dalka timaada, laakiin ay masuul  ka tahay Manhajka iyo buugaagta dugsiyada lagu dhiganaayo ee Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa uu sheegay in ay sameeyeen buuggaag manhajka Somaliland iyo Diintaba waafaqsan, isla markaana ciddii buugaagtaas dhigi weydaa ay xeerka jebisay.

Waxa uu sheegay wasiirku in ay jiraan buuggaag kuwa cilmiga bulshada laga dhigo ah, kuwaas oo wadamo kale laga keenay, isla markaana ay ku yaallaan mawduucyo kala duwan oo qaarkood diinta ka sheekaynayaan, qaarkoodna beeraha, waxaanu tilmaamay in talaabo laga qaadaayo dugsiga ku dhiirada dhigista manhaj aan ka Somaliland ahayn.

Dhinaca kale, Waxa uu wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Saynisku uu sheegay in ay waajib tahay in dugsiyaddu ay qaataan Manhajka Somaliland, isla markaana ay wax ku baraan ardayda dugsiyada hoose ee dalku luuqada Somaliga, waxaanu wasiirku tilmaamay in haddii ay dugsiyada dalka ku yaalla ku dhigi waayaan dugsiyadaas Manhajka wadanka ee wasaaraddu dejisay in ay qaadi doonaan dambiga.

Waxa uu sidoo kale Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ka hadlay shirar saddexdii cisho ee ugu dambeeyey u socday masuuliyiinta kala duwan ee wasaaraddaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in ay kusoo dhammaadeen guul, isla markaana waxyaalaha kasoo baxay lagu dabaqi doono hawl-maalmeedka wasaaradda .

Geestooda Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo xubno kamid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda waxbarashada iyo Saynikska Somaliland ayaa si weyn uga hadlay sida loogu baahan yahay in wax lagu barto afka Somaliga, isla markaana laga hortago wixii gef ku ah dhaqanka Suuban iyo Diinta Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here