Ugaaska Beelaha Samaroon oo Caawa U Hoyday Magaalada Awbare Ee Deegaanka Soomaalida

0
3677

Awbare (Hargeisa Press)- Ugaaska guud ee beelweynta Samaroon Ugaas Abdirashiid Ugaas Rooble ayaa isaga iyo wefti uu horkaco u hoydeen magaalada Awbare ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble ayay maanta Ciidamada Somaliland ka hor istaageen in uu kasoo galo dalka dhinaca xuduuda Itoobiya.

Arintan ayaa sababtay Mudaharaadyo rabshado wata oo ay dhigeen dadweyne soo dhaweynayay Ugaaska, waxaana ku dhaawacmay Hal Ruux.

Ilo-wareedyo xogogaal ah oo la hadley Hargeisapress ayaa sheegaya in Ugaaska ay xukuumadu marka hore u yeedhay si uu wax ugala qabto arinta saami qaybsiga ee reer Awdal saluuga ka qabaan islamarkaana uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la kulmo.

Waxaa la is weydiinayaa sababta keentay in Xukuumadu ay amar ka soo saarto imaanshaha Ugaaska oo ay hore ugu yeedhay.

Madaxdhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa la sheegay inay ka shaqaynayaan sidii Madaxweyne Biixi loogala hadli lahaa Ugaaska uuna ogolaan lahaa in uu dalka soo galo.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here