Wariye Yuusuf Jaamac oo Mudo Sadex Cisho Sifo Sharci Daro Ah Ugu Xidhan Xarunta Dembi-baadhista Hargeysa

0
1609

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wariye Yuusuf Jaamac Xirsi oo ka mid ah weriyayaasha ka hawlgala magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu mudo sadex cisho ah sifo sharci daro ah ugu xidhan yahay xarunta C.I.D ee magaalada Hargeysa.

Wariyaha Yuusuf Jaamac ayaa ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen maalinnimadii Arbacada ee daraad.

Ciidamada booliska ayaan markii ay xidhayeen wariyaha habayaraatee sidan wax waaran ah oo xadhigiisa xalaalaynaya.

Wariye Yuusuf Jaamac oo ahaa gudoomiyaha Shabakada Wajaalenews, ayaa xadhigiisa waxaa ka dambeeyay oo dacweeyay nin ganacsade ah oo la yidhaa Cali Waraabe.

Xadhiga wariye Yuusuf Jaamac Xirsi ayaan waafaqsanayn xeerka Saxaafada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here