Maayar Cidin Oo U Bushaareeyay Bulshadda Reer Berbera

0
1354

Berbera (Hargeisa Press): Maayarka magaaladda Berbera C/shakuur  Maxamuud Cidin, ayaa shaaciyay in bulshadda magaaladaasi ay dhawaan heli doonaan Laydh qiimihiisu aad u qaban yahay.

Kadib marka la dhamaystiro Solar-ta Dabka laga dhaliyo oo ku taalla  dhinaca galbeed ee magaaladda Berbera. Taasoo la filayo in dhawaan la dhamaystiro.

C/shakuur Cidin, waxa uu sidan ka sheegay booqasho ay deegaanka Solarta laga waddo ku tegeen wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriey, oo ay wehelinayeen badhasaabka Saaxil iyo maayarka Berbera.

Solar-tan oo gaadhaysa ilaa 7 megawaat ayaa dhismaheedu ka socda goob ku taalla galbeedka magaaladda Berbera.

Waxaana Somaliland ku caawisay dawladda Imaaraadka Carabta sida masuuliyiinta goobta booqday ay sheegeen.

Duqa magaaladda Berbera Cabdishakuur  Maxamuud Ciddin,  oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in Solar-tani ay wax weyn ka tari doono baahida dhinaca Laydhka ee bulshada magaaladda Berbera.

Geesta kale waxa isna goobtaas ka hadlay wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo ugu bishaareeyey shacabka reer Berbera in ay heli doonaan laydh qiimihiisu aad u jaban yahay.

Waxaanu wasiirku tilmaamay in goobtan laga hirgelinaayo Laydhkan laga dhalinayo Solar-tu ay tahay Hanti Qaranku leeyahay.

Dhinaca kale bulshadda ku nool magaaladda Berbera ayaa inta badan aad uga cawda qiimaha korontadda oo aad ugu qaali ah, iyadoo dadka reer Berbera ay magaalooyinka kale ee dalka uga baahi badan yihiin helitaan koronto joogto ah qiimaheeduna jaban yahay.

Maadaama oo Berbera ay tahay magaalo xeebeed uu ka jiro kulayl fara badan, isla markaana ay dadkeedu baahi weyn u qabaan in ay helaan laydh fiican.

Qorshahan korontadda laga dhalinayo Soolarta ayaana la filayaa in uu wax badan ka bedeli doono dhibaatadii ay bulshadda Berbera ku qabeen Laydhka.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here