Wargeyska Abu Dhabi Ka Soo Baxa Oo Sheegay In Saldhigii Milatari Ee UAE Ee Somaliland La Joojiyay

0
625

Hargeysa(HargeisaPress)-Wargeyska The National ee ka soo baxa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa qoray in la joojiyay saldhigii milatari ee UAE ay ka dhisanaysay magaalada Berbera.

Wargeyska oo warbixin ka qoray maalgashiga ay dawladda UAE ku samaynayso qaaradda Afrika, ayaa wuxuu si kooban u sheegay in saldhigaas milatari la joojiyay. “Imaaraadka Waxay saldhig milatari ku leeyihin Ereteriya ilaa sannadkii 2015, laakiin qorshe lagu doonayay  saldhig kale oo Somaliland ah ayaa la joojiyay.” Ayuu ku yidhi wargeysku gunaanadka warbixintiisa, laakiin wargeysku ma bixin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah iyo inuu warkan ka soo xigtay dawlada UAE.

Madaxweyne Biixi ayaa bishii Septermber ee kal hore sheegay in madaarka Berbera ee saldhiga UAE ay ka dhisanaysay laga dhigay mid shicib oo ay diyaaradaha madaniga ahi isticmaali doonaan, waxaanu sheegay in madaarka oo ay UAE dib u dhistay uu noqon doono mid balaadhan oo isku xidhi doona Afrika.

Wargeysku, waxa kale oo uu sheegay in dawladda UAE ay doo muhiim ah ka ciyaartay dhexdhexaadintii lagu guulaystay ee Ereteriya iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here