WARBIXIN: Qaraxii ka dhacay Puntland iyo Al-shababa oo sheegatay Mas’uuliyaddiisa + DAAWO SAWIRADDA

0
959

GAROWE, (HargeisaPress) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxa maanta ka dhacay xarunta Puntland ee Garoowe kaasoo lagu dilay 10 ka mid ah shaqaalaha hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay, iyadoo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

2015420635651158234379216IMG_7311

Taliyaha ciidamada Col. Cali Salaad ayaa sheegay in weerarkan ay kasoo gaartay waxyeello dhimasho iyo dhaawac ah shaqaale isugu jira Somali iyo ajnabi.  “Maanta waa maalin madow; balse argagaxisada dhibaatadan geysatay waa inay ogaadaan in dhiiga ay daadiyeen uusan noqon doonin mid la hilmaamo, waxaana ku qaban doonnaa gacan bir ah,” ayuu yiri Col. Saciid oo Garoowe kula hadlay warbaahinta.  Sarkaal ka tirsan booliiska Puntland oo isna lagu magacaabo, Axmed Cabdullaahi Samatar ayaa sheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen toddoba qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ajnabi.

IMG_7304

 

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo isna qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay iyagu mas’uul ka yihiin qaraxii ka dhacay xarunta Puntland ee Garoowe.  “Weerarka aan ka fulinnay Garowe waxaan ku dilnay tiro shaqaalaha Qaramada Midoobay M ka mid ah, waxaana ku dhaawacnay tiro kale. Kuwan waxay ka mid ahaayeen ajaanibta gumeysiga ku jooga Soomaaliya,” ayuu yidhi Sh. Abuu-Mucab oo la hadlya AFP.

Qarax_ka_dhacay_Garoowe_Puntland

 

Goobjoogayaal iyaguna ku sugan Garoowe ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoog leh oo haleelay gaari Caasi ah oo siday shaqaalaha dhimashada iyo dhaawucu uu soo gaaray, xilli uu doonayay inuu galo dhismaha ay QM ku leedahay Garoowe.  Si kastaba ha ahaatee, weerakan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca Puntland, iyadoo weerarka ay si aad ah u cambaareeyeen Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

2015420635651157879491242IMG_73071

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here