Wararkii Ugu Dambeeyay Rabshadaha Koonfur Afrika iyo Tirada Dhimashada oo Korodhay

0
499

Johannesburg (Hargeisa Press) – Dowladda Koonfur Afrika, ayaa Arbacadii dalbatay 25,000 oo AAskari oo lagu xakameeyo rabshadaha ka socda dalkaas oo galay maalintii toddobaad, xilli ay jiraan cabsiyo la xidhiidha cunno iyo biyo yari.

72 qof, ayaa la dilay in ka badan 1,200 oo kalena waa la xidhay, tan iyo markii ay rabshaduhu billowdeen kadib markii madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ay billaabatay 15 bilood oo xabsi ah, taasi oo dhalisay dibad-baxyo isku rogay rabshado.

Bililiqo xooggan, ayaa saameeyay badeecadihii iyo khadadkii gaadiidka ee gobolka koonfurta bari ee KwaZulu, taasi oo kadibna saameysay dalka oo dhan.

Dowladda, ayaa sheegtay in 208 dhacdo oo bililiqo iyo burburin la diiwaan-geliyay Arbacadii, iyada oo ciidamada ay daad-gureysay dowladda ay gaadheen 5,000.

Hase yeeshee wasiirka gaashaandhigga Nosiviwe Mapisa-Nqakula, ayaa goor dambe baarlamanka u sheegtay “inay gudbisay codsi ay ku doonayso 25,000 oo askari oo kale.” Daad-gureynta ciidamada ayaa waxaa ansixiyay madaxweynaha.

Wasiirka ma ayna sheegin haddii ciidamadan lagu daadin doono waddooyinka.

Dowladda, ayaa waxaa saaran cadaadis xooggan oo lagu dalbanayo inay kordhiso ciidamada waddooyinka si loo qaboojiyo rabshadaha oo dhulka lasii galaya dhaqaalaha dalkaas oo markii horeba xumaa.

Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here