War Deg Dega:Dagaal Dhex Maray Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Ciidamo Taabacsan Maamulka Puntland+Puntland Oo Laga Qabsaday ASKAR Tiro Badan

0
750
Burco, (HargeisaPress) —Dagaal Xoogan Ayaa Saaka Ka Dhacay Deegaanka BOOD Oo Ka Tirsan Gobolka Sanaag,Dagaalkan Ayaa Dhex Maray Ciidamo Ka Socda Maamulka Cabdi Weli Gaas Iyo Qaar Ka Mida Ciidanka Qaranka Somaliland,Ka Dib Markii Ciidamada Puntland Ay Weerar Qarsoodiya Ku Soo Qaadeen,Fadhiisin Ciidama Somaliland Ku Leeyihiin Deegaankaas
Weriye Ku Sugan Gobolka SANAAG Ayaa Xaqiijiyay,In Ay Halkaas Ka Dhaceen Dagaal Foolka Fooli,Balse Aanay Jirin Dhimasho Iyo Dhaawac La Xaqiijiyay Maadamada Oo Goor Dhoweyd,Ay Dhacday Shaqaaqadani
Sidoo Kale Ciidamada Ka Socday Maamulka Puntland Ayaa Waxaa Gacanta Lagaga Dhigay 15 Maxbuus Oo Ka Tirsana Ciidamada Puntland Ee Duulaanka Ku Soo Qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland
Sidoo Kale Ciidanka Somaliland Waxa Ay Gacanta Ku Dhigeen Laba Gaadhi Oo Ka Mida Nooca Dagaalka Oo Ay Wateen,Ciidamada Maamulka Puntland,Waxaana Hada Askarta Iyo Baabuurtaba Gacanta Ku Haya Ciidamada Qaranka Somaliland,
Deegaanka Bood Ayaa Waxa Uu Ka Mid Yahay Deegaanada Ay Ka Socoto Diiwaan Gelintu,Waxaana Hada Kacsan Xaalada Deegaankaas Iyo Tuulooyinka Hoos Yimada.

wixii warar ah ee kusoo kordha  kula soco shabakada caalamiga ah ee hargeisapress

 

wariye:-sakariye cabdiraxmaan ibraahin

Hargeisa press-desk

sakariye@faylasoof.tk
burco/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here