Ciidamada Itoobiya Oo xasuuq Ba’an U Gaystay In Ka Badan 40 Qof Oo Deganaa Deegaanka Jaamac Dubad Oo Dhanka Bari Ka Xigta Degmada Gaashaamo

0
1028
News

HARGEISA , (HargeisaPress) —Warar hada naga soo gaadhaya degmada gaashamo soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada HargeisaPress ayaa sheegaya in ciidamo iskugu jira Kuwa Federaalka Dawlada Itoobiya iyo ciidamada News Police-ku ay xasuuq ba’an u gaysteen in kabada 40 qof oo degena tuulada jaamac Dubad oo dhanka bari ka xigta magaalada gaashaamo.

 

Wararkan ayaa sheegaya in ciidamadani ay duulaan iyo weerar kusoo qadeen dadka degen deegaankaasi iyaga oo sida la sheegay goobtaasi ku xasuuqay dad lagu qiyaasay 40 qof kuwaasi oo iskugu jira rag,dumar iyo waliiba caruur yar yar.

 

Wararka aan helayno ayaa intaa ku daray in ciidamadu ay intaas kadib ay dab sudheen guryihii ay daganayeen dadkaasi.

 

Ilaa hada lama garanyo sababta ciidamada dawlada itoobiya u xasuuqeen dadkan iskugu jira rag haween iyo caruurta yar yar balse xaalada tuulada ayaa hada ah mid kacsan.

 

Waxii warara soo kordha kala soco shabakada wararka HargeisaPress

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here