Waftigii Ku Sugnaa Dalka Itoobiya Ee Soo Saxeexay Heshiiskii Ay Dawlada Itoobiya Ku Isticmaalaysay Dekeda Berbera oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay + SAWIRRO

0
872

HARGEISA , (HargeisaPress) —Waxaa galabta magaalada Hargeysa dib  ugu soo laabtey isla markaana lagu soo dhaweeyey waftigii xukuumada Somaliland  u soo saxeexay hishiiskii isticmaalka dekada Berbera ee dawlada Ethiopia ay isticmaalayso oo iyagu in muddo ahba safar ko joogay dalka itoobiya .

3-2-740x493

Waxaana waftigan oo ka koobnaa Wasaarada arimaha dibada , wasaarada qosheynta , wasaarada arimaha gudaha ,  mareeyahay dekada Berbera, rugta ganacsiga , wasaarada maaliyada   ku soo dhaweeyey madaarka  caasimad Hargeysa wafti wasiiro ah   uu ka mid yahay wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Xussen Deyr .

 

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadley mareeyaha dekada  magaalada Berbera Cali Xoor Xoor oo waftigan hogaaminayaayey waxaaana  uu sheegay in hishiiskaasi uu ahaa mid guul u ah Somaliland waxaana uu yidhi

6-740x493

“waxay aheyd barnaamij ay dawladu laheyd sidii loo hir galin lahaa ayaanu ugu maqneen dalka ethopia hawshaas oo tifo tiran waxaanu u gudbin doona xukuumada Sare waana la dhaqan galinayaa siduu heshiisku dhigaayo waxaana uu mashruucani faa,ido u yahay labada dawladood iyo labada shacaba ” ayuu yidhi mareeyaha dekada Berbera Eng Cali Xoor Xoor.

 

Sidoo  kale waxa isna dhinciisa  ka hadley wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Xussen Dayr waxaana uu sheegay in hishiiskan yahay mid wax tar u leh dalka Somaliland isla markaana hir galintiisu ay socotey muddo toban sanno ku dhaw waxaana uu yidhi

7-740x493

“Dhamaantiin tiimkani waa tiimkii bilaabay wada hadalkii ganacsiga iyo isku socodka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia  , tagi taanka safarkii ay u baxeen 28 bishii dhamaatey waxaa uu dabo socdey kulmadii hore .

4-740x493

Isagoo wasiirku wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

 

Run ahaantii guul bay kala soo noqdeen qarankana waa u guul , arinta adeegsiga dekada Berbera muddo badan ayaa ay socotey oo ilaa 10 sanno ah dakadeenana in la isticmaalo oo la casriyeeyo dan baa inoogu jirta  oo dhaqaalaheena ayaa kor u kacaya ” ayuu yidhi wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Xussen Dayr.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here