Dr. Cumar Cilmi Dixood: Geesi Qaranka ka Baxay!

0
1309

HARGEISA , (HargeisaPress) —Naxdin weyn ayay u ahayd Qarankeena Geerida Murugada badan ee ku timi Geesigii Hawl karka ahaa, halgamaagii madaalaha ahaa Dr. Cumar Cilmi Dixood oo maanta ku geeriyooday Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa.

 

Dr. Cumar waxa uu ahaa Geesi usoo kifaaxay una soo halgamay Xorriyada aynu maanta ku naaloonayno, waxa uu ka mid ahaa Aasaasayaashii ururkii Xaq u dirirka ahaa ee SNM oo dagaal qadhaadh la galay Xukuumadii Haligantay ee uu hormuudka u ahaa Kaligii taliyhii Maxamed Siyaad Barre.

 

Waxa uu ahaa ma-daale goor kasta iyo goob kasta heeggan u ahaa sidii Qarankeenu uu u heli lahaa Aqoonsi, horumar iyo barwaaqana ugu talaabsan lahaa. Waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in ummada reer Somaliland ay gaadho himilada ay higsanayso ee ku qotonta helitaanka Qaran Madax banaan, Horumarsan oo Dunidu ay Aqoonsan tahay.

 

Waxa uu ahaa Hawlkar aan ka maqnaan Madal kasta iyo Mudaaharaad kasta oo ka dhaca London oo Qaranimada Somaliland loogu ololaynayo, isaga oo laxaad la’aa oo indhaha aan waxba ka arkayn, hadana waxa uu iman jiray goob kasta oo Somaliland wax loogu qabanayo.

 

Waxay ahayd 31kii bishii May ee sanadkii 2001 markii ay dadweynaha reer Somaliland u codaynayeen Aftida Dastuurka Qaranka Somaliland, waxa Dr. Cumar Cilmi Dixood iyo Jaaliyada reer Somaliland ee dalka ingiriiska ku dhaqani ay Habeenkii iyo Maalintiiba ka hor banaan baxayeen Aqalka Raiisal Wasaaraha Ingiriiska, waxa uu ahaa habeen qabow iyo dhaxan kasta oo jirtay ay Jaaliyadeenu u adkaysanayeen si ay Hiil ugu muujiyaan Dadweynaha reer Somaliland ee safafka dhaadheer ugu jiray u codaynta Dastuurka Qarankeena ee Aasaaska u noqday dhismaha Dawladnimadeena, banaan baxyo tiro badan oo ka dhacay London ayuu hormuud noogu ahaa Dr. Cumar Cilmi Dixood. Waxa uu ahaa Haleey Dalkiisa Jecel oo aan taariikhdiisa la hilmaami doonin.

 

Waxaan Tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Geesiga Hoyday ee Dr. Cumar Cilmi Dixood.

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Wasiir ku Xigeenka Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here