Gudoomiey Faysal Cali Waraabe Oo Ku Hanjabay Inuu Xilalka Ka Qaadi Doono Eryi-na Doono Masuuliyiinta Xisbiga UCID Ee Taageersan Musharax Jamaal Cali Xuseen

0
769

HARGEISA , (HargeisaPress) —Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka dhawaajiyay inuu xilalka ka qaadi doono eryina doono isla markaana kala dareerin doono dhamaan masuuliyiinta ka tirsan xisbiga UCID ee taageerada u muujiyay musharaxa xsbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

 

Gudoomiye Faysal Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in xilalka uu ka qaado masuuliyiinta uu badalkeeda keeni doono masuuliyiin wax u tara xisbiga isaga oo sidoo kale sheegay inaanu xisbiga ka tirsanayn, golaha dhexe ee xisbiguna aanay aqoonsanayn gudoomiyaha dalka imaaraadka carabta ee xisbiga UCID iyo gudoomiyaha xisbiga ee Dalka Ingiriiska oo iyagu  dhawaan dhaliilo xogan usoo jeediyay gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

Waxaan uu Eng Faysal Cali Waraabe hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay hotel maansoor ee magaalada hargeysa waxaana uu hadalkiisu u dhignaa sida tan.

 

“Ma jiro khilaaf ka dhex taagan xisbiga, ma laba qof oo meel ka hadlay ayaa khilaaf ah iyo nin iska sheegtay oo yidhi gudoomiye Ayaan ahay sida kasheegtay gudoomiyaha Imaaraadka, maba yaqaan meel uu xafiisku ku yaal, waligiina muu imaan,dekeda ayuu xoolaha ka rarta ayaa la yidhi, ka isna yurub ka hadlay ee yidhi gudoomiyaha ayaan ahay waxuba qabiil ayay ku hadlayaan, baribaan wada eryayaa kuwa magaca naga haysta ee siyaasada xisbiga kazoo hor jeesta, kaan anigu magacaabay sideebuu ii caayi karaa oo ii af lagaadayn karaa baribaan wada eryayaa waad arki doontaan rag xisbiga wax u taraya Ayaan soo magacaabayaa, shirwaynahana waa lagu ansixin doonaa”Sidaas ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

SI kasteba ha ahaate khilaafka xisbiga UCID ayaa noqday mid maalinba maalinta ka danbaysa ay hadalo xurguf ah warbaahinta isku mariyaan masuuliyiinta xisbiga UCID, waxaana bulshadu sugaysaa talaabada uu qaado gudoomiye Faysal.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here