“Wadahadallada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo ay Puntland ka mid ahayn waa xaaraan”

0
773

Garoowe,(HargeisaPress)-Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay inaysan aqbaleyn wadahadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo ay Puntland horkaceyn xaaraanna ay tahay.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo ka hadlay shirweynaha wada tashiga wuxuu sheegay in loo baahan yahay in lagu dadaalo sidi shirkan uu uga soo bixi lahaa wax aan ku mudeysannahay bulshada reer Puntland anfaca bulshada Soomaaliyeed ay ka sasin sidi uu uga soo bixi lahaa.

“Waxaan rabaa inaan ku baraarujiyo Madaxda iyo shacabka reer Puntland inaan wax iska weydiinno Soomaaliyada cusub iyo reer Puntland meesha ay k ageli doonaan iyo kaalinta ay ku leeyihiin isbeddellada dalka ka socda iyo Soomaaliyada cusub iyo meesha aan u dhaqaaqeyno” ayuu yiri.

Sida oo kalana Soomaaliyada cusub waxay qadatay Nidaam Federaal ah oo aan ku dhib iyo dheefba beelnay, nidaamkaas laftigiisa wax la iska weydiiyo meesha uu ku dambeeyey, tacab badan baan gelinnay ilaa haddana kama warqabno maalin walba shuruuc ayaa la ansixinayaa”.

“Qodobka Afaraad ee dastuurka maamul-gobaleedka Puntland ayaa wuxuu si cad u qeexayaa inta laga helayo dastuur Soomaaliyeed oo afti shacabka oo Soomaaliyeed lagu ansixiyey inay dowladda Puntland awood dowladeed oo madax bannaan yeelaneyso”.

“Waxaa kale oo aan doonayaa iney jireen wadahadallo dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku baaqday oo ay leedahay waxaan la galeynaa maamulka Somaliland. Wadahadalladaas iyo ergooyinka ay dowladda federaalka samayestaba waxaan u arkaa inaanay sax ahayn xaaraanna yihiin.”

“Waana sababeynaya Soomaaliya hadda halka lagu wado waxaa la rabaa oo wadahadallaasi ay rabaan in loo dhigo in Koonfur iyo Waqooyi wax loo wada qaybsado, Puntland xaggey markaa ku dambeyneysaa waa iney ka baxdaa marka qarriiradda taana yeeli meyno” ayuu yiri.

“Anigu waxaan ka mid ahay mas’uuliyiinta sare ee dowladda Puntland ka matala gobollada waqooyiga Puntland Sool, Sanaag iyo Ceyn. Ma yeeli doonno wadahadallo aan dowladda Puntland horkaceyn anaguna aan qayb ka ahayn oo dad inta meel la isaga soo uruursado la yirahdo waa matashaan” ayuu yiri Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here