Wa Awr Dabarla’aan Dhacay !! Marwo Samia Muse

0
1021

Dhulka Waad Ka Duusho ! Damac Baa Ku Qaado ! Dabaysha Ku Sidatee ! Xukuumad Kasta  Muraayadeedu Waa Shacabka , Shacabkuna Haddii Muraayadaas Ceeryaan Ka Saarnaato Maalin Kasta Waa Inoo Si Deg Deg Ah Badalkii Muraayada Falkeedi Ku Hawl Galaa ,,,!!

 

Waxaan Aad Oga Xumahay Aan Waliba Canbaareenaya Falalakan Bila Naxariista Ah Ee Is Daba Jooga Ah Kana Socda Maanta Somaliland , Hantida Qaranka O Markasta Xalaal Kooxu Gaar Ah Looga Dhigayo Iyo Waliba Isku Dir Iyo Tacadiyo Fara Badan Loo Geesanayo Markasta Muadiniinta Masaakiinta Ah .

 

Bal Halkee Baa Somaliland Loo Wada Markaa Hantidii Loo Fasaxo Boobka Iyo Dhaca? Markaa Nin Carab Ah Kulba Boorihii Naturalka Ah Ee Astaanta O Ahayed Wadanka Laga IiBiyo ? Meesho Ma Falastiin Bay Noqotay Tolow ? Ma Isticmaar Qarsoon Baano Hoos Fadhinaa Tolow ? Qaranimo Hawshani Ka Dheer !!!! Mise Aad Waartidee War Ha Kaa Hadho Weeyaan ?

 

Xukumadu Awal Danahaa Gaarka Ah Hoos Hoos Ayay Ogaadhi Jirtay Laakin Hadda Waxaad O Malaysaa Inaanay Waxba Xeerinaynin Ay Waliba Si Ku Tala Gal Ah Shacabka Kulba Ogu Soo Bandhigayso Qorshe Iyo Qalalaase Cusub Taas O Ay Danteedu Tahay Markasta :

 

DOORASHU YAY DHICIN !!!!! MUDDO KORDHIN!!!!!

 

Waxaan Canbaaraynayaa Falkii Ka Dhacay Degmada Sheekh E Waliba Loo Xidhay Dad Fara Badan Waxaanan Leeyahay Si Deg Deg Ah Dadkaas Ha Loo Siidaayo , Waaayo Xaq Ayay O Leeyihiin Inay Difaacaan Boorta Sheekh Waana Hanti Qaran Xukumaduna Malaha ! Ninka Carabkuna Ma Lahaa!

 

Somaliland Waa Qaran Ee Qabiil Maaha! Waa Wadan Ee Dagaan Maaha ! Waa Ummad Ee Shakhsi Maaha ! Waa Somaliland Ee Xisbi Maaha !

 

Nabadiyo Doogey

Aduunyadu Ku Naaxdaa

Hawshii Malaha Meeshii

Gudub Lagu Tilmaamaa

Laba Eefe Dhaxaad

Afar Qaaday Socodkee

Hadaad Dul Ka lulataa

Waa Adduunyooy

ileen Aayo Malahee

Ubaxii Baxayaay

Sawdigan Abaarsaday

 

 

 

La Taliyaha Arimaha Dibadda Ee Musharaxa Madaxweynaha UCID

 Marwo Samia Muse

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here