Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland oo Ku Hambalyeeyay Shacabka Somaliland Xuska 18-ka May

0
800

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala Digaale, ayaa waxaa uu shacabka Somaliland ugu hambalyeeyay Xuska Sannad guuradda 31 aad ee Munaasibadda 18 May awgeed.

Guddoomiye Axmed Cabdala, ayaa sidoo kale waxaa uu hambalyo u diray tageerayasha ururka Dimuquraadiga Shacabka Somaliland.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala digaale, ayaa waxa uu ugu baaqay Shacabka Somaliland guddo iyo dibad in ay muujiyaan Xuska 18 May ee dib ula soo noqoshada Xornimadii Somaliland 1991 ee luntay 19960-kii.

Guddoomiyaha, ayaa waxa uu sheegay in Xuska 18 May ay ku timid dhiig iyo halgankii SNM ee dalka lagaga xoreeyay taliskii Siyaad Barre,isla,markaana ay tahay in lagu faro adaygo Dowladnimada iyo nabada.

Waxaa uu geesta kale Guddoomiye axmed Cabdala u soo jeediyay Qurbojoogta Somaliland in si midnimo ah u xusaan munaasibada 18 May meelna uga soo wada jeedsadaan Midnimada iyo Qaranimada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here