Somaliland oo Si Weyn Loogu Diyaar Garoobay Dabaal-degga 18-ka May

0
1536

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guud ahaan Somaliland waxa si weyn looga dareemayaa u diyaar garowga maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18 May oo sanad walba gudaha iyo dibadda si balaadhan looga xuso, islamarkaana ku beegan maalinta barito ah ee Arbacada.

Dadweynaha magaalooyinka Waaweyn, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, ayaa maalmihii u dambeeyey dadweynuhu ku qulqulayeen meelaha laga samaysto calamadda iyo dharka ay ku xardhan yihiin calanka Somaliland kuwaas oo jilbaabo, Diracyo, surwaalo iyo shaadhadhba ka tolanayey.

Waxaana guud ahaan camirmay lacag fiicana ka helay xuska 18 may dawaarayaashii dharka tolo oo toddobaadadii u dambeeyey ku mashquulsnaa tolayey dhar iyo calanka saddexda midab leh.

Sidoo kale, Ardayda dugsiyada dhexe iyo sare, ayaa la moodaa inay ku tartamayaan sidii fasal waliba gaarkiisa u dabaaldegi lahaa, waxaad arkaysaa marka ay duhurkii soo rawaxayaan ardayda gaadiidka la socda oo jeeni qaaran calanka, qaarkoodna dhabankooda ku sharxay calanka.

Waxaanu dugsi waliba gaarkiisa isku diyaariyey sidii uu uga dhex muuqan lahaa dugsiyada kale haday noqonayaan kuwo laamidda soomari doona ee ciidanka kala duwan ee isku soo bixi doona la socon doona.

Sidoo kale, meheradii ganacsiga, ayaa dhamaan laga wada lulay calan maro weyn laga sameeyey oo meel fog kaaga muuqanaya, taasina waxay si qurxisay magaaladda dhexdeedii, waxa kale oo iyaguna cidhiidhi noqday wadooyinkii gaadiidku marayeen.

Geesta kale, waxaa iyaguna si weyn looga dareemayaa xayeysiisyada bandhigyada fanaaniintu ku qabanayaan magaalooyinka dalka, iyaga oo hoteelada ku qabsanaya bandhigyada xuska 18 may.

Waxa sidoo kale dalalka dibadaha si weyn looga dareemayaa xafladaha ay qabsanayaan jaaliyadaha Somaliland ee lagu xusayo munaasibada 18 May, iyada oo ay kala qaybgali doonaan xuskaasi balaadhan madax kala duwan oo ka tirsan wadamadaasi ay ku kala nool yihiin jaaliyadaha Somaliland.

18ka May waa maalin ku suntan taariikhda Somaliland. Waa maalin jiilashii hore u ah xusuus, jiilasha danbena dhiirigelin iyo rajo. Waa maalin ay ka badbaaday Somaliland inay ku dhacdo god madow. Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulshada Somaliland. Waa maalin mudan in la xasuusto kumanyaalkii halyey ee u duurgalay inay dulliga ka dulqaadaan shacabkooda. Waa maalin mudan in loo duceeyo intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalka loo soo maray.

Maalinta Xoriyada Somaliland waa mid ka mid ah Maalmaha sida weyn looga xuso guud ahaan Somaliland iyo wadamada dibadaha ee ay joogaan jaaliyada dadka reer Somaliland u dhashay, iyada oo ay maalntani ku suntan tahay maalinta qaranimada Somaliland.

Waxaana ay maalintani ku timid ka dib dedaal badan iyo hiigsi badan oo loo maray horumarinta wadanka, ayaa sanadkii 1991-kii shirweyne ay beelaha Somaliland ku qabsadeen magaalo madaxda labaad ee Burco waxa ay ku go’aansadeen in ay Somaliland noqoto qaran madaxbanaan oo ay xoriyadeedii luntay 1960-kii oo ay la midoobeen Somalia inteeda kale ay dib ula soo nqodaan, waxaana go’aankaasi saxeexay golihii dhexe ee Ururkii SNM (Somali National Movement), iyada oo ay halkaasi ku luntay rajadii ay dadka reer Somaliland wakhtiga badan ku taamayeen oo ahayd in la helo Shan Soomaaliyeed oo noqda wadan kaliya.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkan, ayaa  dadweynuhu aad ugu jiraan diyaar garow badan si ay maalintaasi si fiican oo qurux badan u xusaan, waxaaana ciidamdaa kala duwan ay iyagoo gaardinaya socod ku mari doonaan badhtamaha magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo ay wehelin doonaan ardayda dugsiyada, shaqaalaha xarumaha dowlada iyo shirkadaha kala duwan.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here