Turkiga oo Ka Cadhooday Qorshe Uu Soo Jeediyey Mareykanku

0
593
Erdogan oo Hanjaad Culus U Diray Dalka Armenia
Recep Tayyip Erdogan

Ankara (Hargeisa Press) – Xukuumadda Ankara, ayaa ka cadhootay qorshe Mareykanka uu doonayo in dalal saddexaad, sida Turkigu, uu dib u dejin ugu sameeyo kumanaan Afghani ah, oo halis ugu jira in Taliban ay u beegsito xidhiidhka ay la leeyihiin Mareykanka dartii.

Wax ka yar bil kahor inta aanu Mareykanka soo geba-gebayn dagaalka muddada dheer ee dalkaas, ayaa Waaxda Arrimaha Dibedda waxay Isniintii ku dhowaaqday barnaamij qaadasho qaxooti oo lagu talo-galay dadka u dhashay Afghanistan.

Barnaamijkan, ayaa caawinaya turjumaanada la shaqeeyey ciidamada Mareykanka, Afghaaniyiinta ku lugta leh mashruucyada uu maal-geliyey Mareykanka, iyo kuwa la shaqeeya ururada aan dowliga aheyn iyo warbaahinta Mareykanka.

Wuxuu barnaamijka qeexayaa in dadka la dejiyo dal saddexaad oo gobolka ku yaalla muddo sanad ah illaa laga diyaarinayo warqadaha sharci ee ay ku tagayaan Mareykanka.

Hase yeeshee Turkiga, oo hadda ay ku nool yihiin afar milyan oo qaxooti badankood Syrian ah, ayaa sheegtay inaan lagala tashin.

“Waa wax aan la aqbali karin in dhibaato xal loogu raadiyo dalkeena, iyada oo aan ogolaansho laga haysan dalkeena,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay  Salaasadii ku tidhi Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa Turkiga ku sheegtay mid ka mid ah dalalka ay suurta-gal tahay in dib u dejinta lagu sameeyo, iyada oo sidoo kale qeexday Pakistan.

Hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga, ayaa sheegtay in qorshaha Mareykanka uu hoggaamin karo “xasarad muhaajiriin oo weyn oo ka dhacday gobolka,” iyada oo intaas ku dartay inaanay awood u laheyn inay la tacaasho “qalalaase muhaajiriin oo cusub oo ay ugu daneyneyso dal saddexaad.”

Iyada oo la filayo in ciidamada Mareykanka iyo NATO ay ka baxaan Afghanistan, Turkiga, ayaa ka cabsi qaba qulqul cusub oo qaxooti ah.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in saraakiisha Turkiga ay wada-hadallo heer sare ah oo ku saabsan arrintan la leeyihiin dhiggooda Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here