TOOS: Munaasibada Sannad-guurada 32aad Ee 18-May oo Ka Socota Madaxtooyada Somaliland

0
992

Hargeysa (Hargeisa Press) – Sannad guuradda 32aad ee la soo noqoshada Madax-banaanida Qaranka Somaliland, ayaa waxaa maanta si balaadhan looga xusaay guud ahaan dalka gudihiisa iyo dibediisaba.

Waxaana sidoo kale caawa Madaxtooyada Somaliland ka socota munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo maalinta qaran ee 18-ka May.

Munaasibaddan qaran oo si weyn loo agaasimay, ayaa waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shir-guddoonka goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka saddexda xisbi qaran, xildhibaanno.

Waxaa kaloo munaasibada ka qayb galay Safiirrada dalalka Itoobiya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, wufuud caalami ah oo ka socotay dalalka Somaliland saaxiibka la ah, haldoor kala duwan oo bulshada qaybaheeda ah, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Masrax si qiimo badan looga shaqeeyey, ayaa waxaa lagu soo bandhigayo qayba kala gadisan ee fanka Dhaanto, Saylici, Ceerigaabawi, heeso ka turjumaya qarinimada Somaliland, riwaayado, gabayo iyo buraanbur xiiso badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here