Tog-Wajaale Oo Dhinaca Somaliland Dabka Loo Bakhtiiyay Halka Shacabka iyo Ganacsigiiba U Haajireen Tog-wajale Dhinaca Itoobiya

0
1130
Tog-Wajaale(HargeisaPress)-Joojinta Qaadkii ka Iman jirrey dhinaca Itoobiya, ayaa durtadiiba Saameyn Weyn ku Yeeshay Shacabka kunool Magaala Ganacsiyeedka Tog-wajaale ee Dhinaca Somaliland Kadib markii joojinta Qaadka ee Dhawaan Xukuumadu ku dhawaaqdey, Si ka badbadin ah u galey Madaxda Maamulka Tog-Wajaale, oo iyagu iska dhisa Dhinaca Xukuumada Dhexe Maadaama ay ka Cabsi Qabaan in lagula Xisaabtamo khaladaad badan oo ay Bulshada ka Galeen.
Boqolaal Danyar ah ayaa Albaabada, loo Laabey, Bacda afurkii Dhinaca Daanta Somaliland ee Tog-Wajaale Kadib Markii Ciidamada Boolisku Amaro adag dul dhigeen, Danyarta Maqaaxiyaha Shaaha laga Cabo islamarkaana, Ganacsatada iyo Shacabkaba Afkooda laga baadhey Qaadka arintan oo Sababi gaadhey Iska hor imaad Ciidamada Iyo Shacabka dhexdooda ah haseyeeshee, Dadka qaadka cuna ee u baddan Shaqaalaha iyo Ganacsatadu qaarkoodba at u talaabeen Dhinaca Daanta Itoobiya ee Magaalada Tog-wajaale oo Saxo ahaan iyo Nadaafad ahaanba si aad ah uga Fiican Magaalada Tog-Wajaale ee Dhinaca Somaliland, oo ay Baddiba Qaribeen Goobaha ay Fadhiistaan Biyo Roobaadku.
Shacabka Reer Tog-Wajaale ayaa si aad ah u Haaraamey, Gudoomiye/Kuxigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi(Cali-case), iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gabiley oo dhawaan laga soo badelay Gobolka Sool, Kuwaas oo ay Ku Tilmaameen, in aanay habayaraatee Aqoon u laheyn Necbaanshaha at iyagu Qabaan Qaadka marka laga tago, Faa,iidada iyo Doorka Dhaqaale ee Xukuumadu ku qabto Cashuurtiisa, iyo Waliba Dhaqdhaqaaqyada hoose ee Danyartu Nolol Maalmeedkooda gala soo baxaan marks laga tago Ka Ganacsiga Qaadka.
“Horta Gobolka Gabiley, Waxaan jecelahay in uu Somaliland Nabsi Culus ka galey, Xukuumad kasta oo Timaada Wuxuu nasiib u helaa Dadka ugu Garaadka Xun in lagu Soo qorro hadey Taliska Qeybta Booliska Noqoto hadey Badhasaabyo iyo Kuxigeenkooda Noqoto, hadey Kuwa Degmooyjnka Noqoto, Marka laga Reebok Labadii Xukuumadood ee Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne Rayaale oo noqonaysay tii ugu Maamulka Fiicnayd ilaa Tii Aadan-Cade marka laga soo Bilaabo labaddan Xukuumadood ee Kulmiye Nasiib darro badan ayay Tog-Wajaale tirsatey, Waa Maamulka Garan Waayay, Waar Dawlladeena Cashuurta Qaadku badhbay ka tahey Dadkan ka Shaqeysanaya, we Wadwadaana Waa Agoontii, Waa Danyartii, Waa Maatadii, haday Maalintii u horeysay tahey, Meeshuna Xuduud Tahey, Waar Shacabka Digniin Siiya oo haku Biidhikaasina, Waa Gobolka iyo Degmada Calicase Nasiibka u heshay in uu ahaado badhasaabkeeda aan Dhicin, Gabiley Cid loogu cawdo malaha, Cid ka naxaysana, Malaha Siiba Tog-Wajaale illaahaybay Leedahay” Sidaa Waxa yidhi Oday Cabdilaahi Axmed oo kamid ah odoyaasha Magaalada oo u naxey dhibaatooyinka Guud iyo Kuwa Sida gaarka ah u haysta Tog-Wajaale.
Waxaanu intaa ku daray hadalkiisa, in aan Madaxweyne Biixi aheyn kii ay Tog-Wajaale u Caban laheyd ee ka Nixi lahaa Dhibta Maamul iyo Halista Caafimaad darro ee ka Jirta, isagoo Xusey in Nasiib darada kasii darani tahey sida Maanta Shacabka Somaliland ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalku ugu Tuhmayaan iyo halka uu isagu ka joogo.
“Hadii Qaadka Caafimaadka Darteed loo Joojiyay oo ay ka hadlayeen Dhakhaatiir iyo Culimo, Diidan Dalkaa Itoobiya ee uu ka Yimaado, oo Wakhtiyadan Dambe nadaafadooda laga Shaqeeyo, Bal may arkaan Magaalada Tog-Wajaale ee WADA Suuliga ah ee Biyaha Qudhmey iyo Xashiishka iyo Eygu Meel Walba ka Buuxaan, iyo Sida Loo Nadiifiyay ee Loo dhisay Degmada Wajaale ee Itoobiya” Ayuu yidhi Oday Cabdilaahi Axmed.
Waxaanu hadalkiisa kusoo Koobay, “Waala lawada Arki Doonaa,Busaarada iyo Cashuur La,aanta iyo Dhibaatada ku Timaada Dhinaca Somaliland ee Tog-Wajaale, Waxaa looga Guuri doonaa Qarr Xabashi iyo Magaalooyinka kale ee Somaliland, Maamul Xumo, Cadaalad La.aan iyo Dhibaatooyin is Huursan oo Tacadiga Ganacsatada Lagu hayaa kaw ka yahey” Ayuu yidhi.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here