Somaliland Iyo Itoobiya oo ka Shiray Sidii Wadajir la Iskaga Kaashan Lahaa Xakameynta Covid 19

0
682
Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland
Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland

Wajaale(HargeisaaPress)- Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa magaalo xudduuda ku taalla ee Wajaale kaga shiray sidii wadajir la iskaga kaashan lahaa fiditaanka Xannuunka Covid19.

Siday baahisay Wakaaladda ENA, Taliyaha Ciidanka Millatariga qaybta Bariga Itoobiya Gen. Sewdu Belay iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka qaybgalay shir ay maanta iskugu yimaadeen Magaalada Wajaale Saraakiisha ciidammada iyo maamulka degmada Wajaale ee labada dawladood, waxana shirkaasi lagu falanqeeyey sidii looga hortagi lahaa in xannuunkaasi ku fido Somaliland iyo Itoobiya.

Taliyaha Ciidanka Millatariga qaybta Bariga Itoobiya Gen. Sewdu Belay,  ayaa sheegay in  shacabka Somaliland iyo Itoobiya ay muddo dheer ahaayeen labada ummaddood oo iskaashi ku wada noolaa,wuxuuna caddeeyey in labada dhinac ay qaadeen tallaabooyin lagaga hortagayo inuu xannuunka Covid 19 iskaga gudbo xudduudaha.

Gen. Sewdu Belay wuxuu sheegay in wixii cabasho ah ee ka dhasha tallaabada lagu joojiyey inay labada shacab iskaga gudbaan soohdimaha ay tahay masuuliyad u baahan inay xaliyaan maamulka labada dawladood ee  degmada Wajaale.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu waxyeelo ku yahay horumarka dalalka soo koraya, waxaanu ammaanay dedaalka ay dawladda Itoobiya qaaday ee ay ku xakamaynayso xannuunkaas.

Taliye Nuux Taani wuxuu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland dhinaceeda ay qaaday tallaabooyin lagaga gaashaamanayo fiditaanka xannuunkaas, iyadoo xidhay soohdimihii dhinaca beriga ee ay la wadaagto Itoobiya iyo Jabuuti.

Sidoo kale, sarkaalka hawlgelinta u qaabilsan ciidanka millatariga ee bariga Itoobiya Col.Mengesha Fentaw ayaa sheegay inay si wanaagsan iskaashi u leeyihiin ciidammada laanta socdaalka iyo maamulka degmada Wajaale ee Somaliland iyo kuwa Itoobiya, waxaanu xusay inay labada dhinac si dhow u wada shaqeynayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here