Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS oo deeq Raashin ah ku qaybiyey magaalada Burco.

0
651

Hargeysa (HargeisaPress) Komishanka ka hortaga iyo Xakamaynta HIV-AIDS oo deeq raashin ah guddoonsiiyey dadka la nool xanuunkaas ee ku dhaqan magaalada Burco.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Wakaalada Wararka ee magaalada Burco Siciid Saleebaan Nuur, Komishanka ayaa boqol qoys oo ka mid ah dadka la nool xanuunka HIV/AIDs ee magaalada Burco gudoon siiyey raashin.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay agaasimaha Waaxda daryeelka iyo daawaaynta Komishanka AIDska Somaliland Sahra Maxamed Xuseen ayaa sheegtay in deeqdan loogu talo galay bisha Barakaysan ee Ramadaan inay ku soomaan, dadkaas oo ka mid ah dadka danyarta ah ee aan waxba haysan, waxana lagu wareejiyey raashin kala duwan.

Sidoo kale, waxa isna halkaas ka hadlay isuduhua komishanka Xakamaynta HIV/AIDs ee gobolka Togdheer Mahdi Jaamac Nuur, oo deeqadaasi kala wareegay, isla markaana sheegay in raashinkaas loo qaybin doono boqolkaa qoys ee loogu talo galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here