Tiimbaro Oo Fariin Adag U Diray Beelaha Hubka Qarsanaya

0
1077

Ceerigaabo (Hargeisa Press.com): Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa shaaciyay in aanay suurto gal ahayn in beelaha gobolka Sanaag ay haystaan  hub culus.

Waxaanu sheegay in haddii ay beelaha hubka haystaa ay si deg deg ah xukuumadda ugu soo wareejin waayaan ay tallaabo ka qaadayaan, isla markaana ay xukuumad ahaan ku dedaalayaan sidii hubka looga ururin lahaa beelaha gobolka Sanaag.

Badhasaab Tiimbaro, oo muddo badan socdaal aan u jeedadiisa la ogayn kaga maqnaa Ceerigaabo o maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu  sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah oo haatan ka taagan gobolka Sanaag.

Inkastoo  todobaadkan waxaa degaamo ka tirsan gobolka Sanaag ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba beelood oo dad badan ku dhinteen iyo mudaharaad dagaalkaas la xidhiidhay oo ka dhacay  magaaladda Ceerigaabo.

Hadana badhasaabka Tiimbaro, waxa uu sheegtay in xaaladu ay hadda degan tahay, isla markaana hawsha xalinta beelihii dagaalamay ay ku jiraan madax dhaqameedku.

Waxaanu yidhi “Guud ahaan maanta oo aan idin kala hadlayo magaaladda Ceerigaabo, wax shaqaao ah oo ka taagani ma jiraan. hor dhicii hubkana waa la keenay oo waad aragteen. Wixii kale-na odayaal ayaa ku maqan, sida ugu dhakhsaha badan in ay arrintaasi inooga soo gabegabowdo ayaan rejaynaynaa. Cabsi danbe oo aanu qabnaa ma jirto”.

Maxamed Axmed Caalin, oo la hadlayay beelaha hubka sharci daradda ah haysta waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa Somaliland gudaheedda waxaa reeban beel hub ku dhex haysata. Guud ahaan gaar ahaana gobolka Sanaag. Ama meel haku qarsoonaado, ama guri haku xeraysnaado, wax qori weyn ah oo tikniko  la saaro, oo reer haysan karaa ma jiro.

Ninkii xasaystayoowna iska soo dhiib, kii hore u keenayowna waad ku mahadsan tahay, kii lagu maqan yahayowna noo soo dedeji. Waanu ku dedaalaynaa xukuumad ahaan, maadaama oo aan ahay madaxa xukuumadda gobolkan Sanaag ugu sareeya, in aanu arrintaas gacan nabadgeliyo ku qabano”.

Geesta kale badhasaabku waxa uu sheegay in Ceerigaabo ay ka jiraan dad wax magarato ah oo xamaasad abuur ah marka ay wax dhacaan dumar iyo caruur soo abaabula,  ficilkaasi oo uu ku tilmaamay mid aan wax macno ah lahayn.

“Dad baa jira reer Ceerigaabo ah  iska xamaasad abuur ah, oo yidhaahda maxaa hebel loo taabtay iyo maxaa hebel loo weeraray, oo wax aan la garanayn ku hadla.

Qofka waxaa loo sameeyaa,  wax wax u taraya. Laakiin,  muxuu tarayaa Taayir aad laamigaas ku gubto. Xumaan, colaad, cilad iyo nacayb ay ku sii kordhiso maahee, wax alaale wax aad qofkii u tartay ma jirto” ayuu yidhi Tiimbaro.

Ugu danbayn badhasaabka Sanaag ayaa fariin u diray shaqsiyaadka soo abaabula dadka maxasta ah oo uu ugu baaqay in ay ka waan toobaan waxyaabahaasi,  iyo kuwa soo abaabulayo laftoodaba”.

Waxaanu yidhi “Dadka caynkaas ahna waxaan leeyahay, ee dumarka iyo ciyaalka soo abaabulaya, ka waantooba kuwiina soo abaabulayaa. Kuwiina kale-na waxaan leeyahay ilayn Sakaaro ma tihidine maalin walba inta la idin dirayo marka hore is waydiiya maxaad waxaad ka faa’iidaysaan”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here