Taliyihii Saldhiga Arabsiyo Oo U Geeriyooday Toogashadii Askarigu u gaystay

0
846

Gabiley, (HargeisaPress) — Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa xaqiijiyey inuu Taliyihii Saldhiga Booliska Arabsiyo afartii galabnimo oo 10 mirir dhiman ku geeriyooday Cisbitaalka Hargeysa ka dib markii Nin Askarta Saldhiga Arabsiyo ka tirsan uu toogtay Taliyihiisa. waxa uu Mr Fadal sheegay in gacan ka xaq darani dishay Taliyihii Saldhiga Arabsiyo Cabdi Case, islamarkaana ninkii dilay si degdeg ah sharciga loo hor gayn doono. waxa uu tacsi u diray ehelkii uu ka baxay, ciidanka iyo qaranka Somaliland.

Askari Booliska ka tirsan ayaa si badheedh ah u toogtay, Taliyaha Saldhiga Booliska Arabsiyo.Askariga ayaa 5 Xabbadood ku dhuftay Taliyaha, kuwaasi oo dhaawac halis ah gaadhsiiyey.

“Waxaa halkan ka dhacay Maanta Taliyihii Saldhiga Arabsiyo, Cabdi Ismaaciil Cali(Cabdi Case),ayuu Askari kale oo isla Saldhiga Arabsiyo ahi 5 Xabbadood ku dhuftay oo dhabarka iyo Caloosha kaga soo dhuftay, waxaanu Illaahay uga baryaynaa inuu Caafimaad siiyo, Askarigii falkaas gaystayna markiiba gacanta ayaanu ku dhignay, Dhaawacana si Qaliin degdeg ah loogu sameeyo ayaanu hadda u qaadaynaa Hargeysa” ayuu Warbaahinta u sheegay Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse.

Lama Oga Sababta dhabta ah ee Askarigu toogashada badheedhka ah ugu gaystay Taliyaha balse waxaa la sheegayaa in Dacwadi ka dhexaysay Askariga iyo Taliyaha islamarkaana sidaasi isula tageen Gabiley.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here