Taliyihii Ciidamadda Booliska Somaliland Oo Geeriyooday

0
738

Hargaysa (Hargeisa Press): Taliyihii ciidamadda booliska Somaliland sareeye gaas C/laahi Fadal Iimaan, ayaa la sheegay in uu goor dhawayd ku geeriyooday magaaladda Hargaysa.

Sida uu xaqiijiyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo geeridda taliyaha kadib warbaahinta kula hadlay cusbitaalka Hargaysa International oo laga qaadayay maydka marxuumka.

Wasiirku waxa uu intaas raaciyay in marxuumka berito lagu aasi doono qubuuraha Masalaha ee Koonfurta magaaladda Hargaysa.

Iyadoo maydka marxuumka salaadda Janaa’isadda lagaga tukan doono masaajidka uu imaamka ka yahay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, oo ku yaalla isla Koonfurta Hargaysa.

ALLE ha u naxariistee taliye C/laahi Fadal, ayaa mudooyinkanba u jiifay xanuun haleelay, iyadoo dhawaan xaalad caafimaad dalka dibadiisa loogu qaaday.

Geesta kale marxuum C/laahi Fadal, oo beryahanba xanuunsanayay ayaa maanta gelinkii danbe baraha bulshadda ee Internet-ka lagu baahiyay qoraalo lagu sheegay in uu taliyuhu geeriyooday.

Hase yeeshee markii danbe ayaa la beeniyay  jiritaanka warka geeridda taliyaha booliska Somaliland.

 

Dhinaca kale marxuum C/laahi Fadal Iimaan, ayaa  taliye ka ahaa ciidamadda booliska Somaliland tan iyo xiligii xukuumadii Axmed Siilaanyo.

Sidoo kale marxuumka ayaa hogaanka hawl-gelinta ee ciidamadda booliska Somaliland noqday sanadkii 2002-dii.

C/laahi Fadal Iimaan, ayaa ahaa taliyihii ugu mudadda dheeraa ee soo mara ciidamadda booliska Somaliland.

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHU RAAJICUUN.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here