KULMIYE: Siraha Khiyaamo Ee U Qorshaysan Labadda Wadaad Qarraxa Kusoo Socda iyo Utumaha U Aasan FAALLO

0
583
Xisbiga KULMIYE
Hargeysa(HargeisaPress)-Inkastoo Shacabka Somaliland Badankiisu hadalhayo Marxalada Siyaasadeed ee Wakhtigan Dalku Marayo, haddana Waxa aan muran ka joogin, in Damacyo isdhaafsani  ka dhex guuxayaan Xisbi Xaakimka Kulmiye ee talada Dalka Gacanta ku haya.
Marka laga yimaado hadalhaynta guud Waxa jira in Xisbiyahano fara badan oo Ka dhex muuqdey Doorashadii hore ay ka rajo dhigeen Sida Xaalaadka Mustaqbal ee Kulmiye Noqon doono iyagoo ka Tusaale Qaadanaya Sida ay Xiligan arimuhu u Socdaan, halka Geesta kalena ay jiraan Kumanaan kale oo Wali u Dhegtaagaya  rajona ka Qaba Qori isku dhiibkii Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo iyo Madaxweynaha hadda jooga Muuse Biixi isugu wareejiyeen Hogaanka Xisbiga Mudo laga joogo Kudhawaad Toban Sano, Walow taasi u Muuqato Fursad laga Faa,ideystey oo aan Jaaniskeedu muuqan.
Tan iyo Kasoo gurya noqoshadii Madaxweyne Biixi iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin ee gudashadii Xajka Waxa dibada usoo baxey Dareenka Dhaqdhaqaaqyada Cusub ee Damaca Siyaasiga ah  oo ka dhex Bilaabmey Xisbiga Kulmiye Kadib Markii Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo taageerayaashiisu olole Xoogan ka bilaabeen Dhinaca Baraha Bulshada ee (Facebook), taas oo ay ku muujinayeen Damaca Maxamuud ee doonista Gudoomiyanimada Xisbiga taas oo isaga laf ahaantiisu uga mahad Celiyay haseyeeshee, Sidaas oo kale Waxa isagana dhinaciisa jawaabo dhigooda ah laga arkay Wasiirka Daakhiliga iyo Taageerayaashiisa kooban, oo kaga hal celinaya ololahaasi.
Marka Xaqiiq loogu  Noqdo Wajiga Cusub ee dhaqdhaqaaqyada Damaca Xisbiga Kulmiye Waxa muuqda in Qorshaha Labada Oday ee Talada Xisbiga iyo ta Dalkaba gacanta ku hayaa ay Tahey mid aan Qof kale oo Kulmiye iyo Xukuumada ahi midna aanu la ogayn iyadoo ay Jiraan Dareeno kale oo ay Shacabka Somaliland ka qabaan oo ku Sahabsan in Qorshahoodu dhaafsan Yahey Xisbiga Kulmiye islamarkaana, ay la Damacsan yihiin Siyaasad ka Duwan geedi Socodkii Dimuqraadiyadda guud ahaanba Xisbiyada iyo Doorashooyinkii haba Soo baxdo Xiisada Komishanka ka taagan Wakhtigan marka loo eego,e iyo Sida aaney Xukuumadu usoo afjareynin Rabshadaha iyo Xaaladaha dhinaca Amaanka khuseeya ee kajira Dalka Gudihiisa.
Hadii Xaalku sidaa yahey haddana Waxa jirta in Maxamuud Xaashi oo Damciisu hada dibada usoo baxey uu Wali ku Waddo doonista damaciisa Xaalad Sasabasho iyo Codsiyo iyo Suul-dhabaale ah isagoo ka Duulaya in uu Ku Xirsi xidho Abaal iyo Qodobo u hal muuqda, taas oo iyana ay barbar socoto Damacyo qarsoon, oo iyaguna ka Dhursugaya in Xisbi Xaakimka Kulmiye Bisha labaad ee Sanadka 2020ka Kulankiisa ay ku qarxin Doonaan Damacooda Siyaasiga ah sida la Saadaalinayo.
Gees kasta oo laga joogsado Loolanka Qarsoon ee ka Dhex bilaabmi Doona Xisbi Xaakimka Kulmiye iyo halka ay ku Gadaan Xidheen Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ahna (Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye)  iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin.oo isaguna ah (Kuxigeenka Gudoomiyaha Kulmiye), Laakiin Kulmiyahano badani u arkaan in uu Ku liicay Gudashada Shaqadii Wasaarada Arimaha Gudaha Sidaa darteedna ay Fursad Weyni ka banaan Tahey in laga Riixdo Gudoomiyaha Xisbiga hadiiba ay dhacdo in Golaha lasoo dhex dhigo Waxa la tuhunsan Yahey, in Qorshaha labadoodu yahey mid ay Suurtagal tahey in ay isku khilaafi karaan iyo in ay Ku dhameyn Doonaan Go,aanka u meel yaala, taas oo ah Gacan uur-kujirta iyo Isbadel Siyaasadeed oo Duruuftu Sabab u tahey anigoon ku minqiyaasin(Labadii Xaqdaro ku Heshiisaa Xaqey Ku Colowdaa).
Sikasta oo ay tahey Waxa laga Warsugi Doonaa halka ay isugu Biyo shubato Damacyada Qarsoon iyo Kuwa ololaha Wajiyada badan bilaabay.

Cabdiraxmaan Nuux Axmed (hiiraan)

Email:hiiraan2007@gmail.com

LEAVE A REPLY