Dowladda Itoobiya oo Boqolaal ruux u Xidhxidhay rabshadihii dhawaan dhacay

0
545

Addis-Abba,(HargeisaPress)-Ciidamadaoobiya ayaa in ka badan 409 Qof xabsiga dhigtay, markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen rabshadihii dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka tirsan Gobolka Oromiya.

Belene Seyoum Woldeyes, oo u hadashay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha  ayaa sheegtay in maalmaha soo socda ay sii kordhi karto tirada haatan  loo hayo rabshada dalkaasi ka dhacay welina ay socdaan howl-gallada  looga hor tagayo qaswadayaasha.

Rabshada uu Dhiig ku daatay ayaa dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka  mid ah dalka Itoobiya oo ay ku jirto magaalada ddis Ababa, markii  ninka u ololeeya qaddiyadda Oromada ee lagu Magacaabo, Jawar Mohammed uu  ku dhawaaqay kacdoon ka dhan ah Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here