Taliye Daba-gale Oo Ciidamadda Ku Bogaadiyay Sidii Uga Shaqeeyeen Doorashooyinka

0
721

Hargaysa (Hargeisa Press): Taliska booliska Somaliland ayaa ka hadlay qaabkii nabadgeliyadda ahaa ee ay doorashooyinku uga dhaceen guud ahaanba goboladda dalka jamhuuriyadda Somaliland Isniintii ina dhaaftay.

Taliyaha booliska Somaliland sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa si gaara ugu mahad celiyay ciidamadda booliska oo uu sheegay in ay si wanaagsan oo daacadnimo ku dheehnayd ay u shaqeeyeen.

Taliye Daba-gale, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale bulshadda reer Somaliland ku amaanay sidii dul-qaadka iyo ixtiraamka lahayd ee ay ciidamadda ula shaqeeyeen.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here