Madaxweyne Biixi oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Salel

0
992
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu maanta wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Salal.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale waxaa uu wareegtada uu saaray ku magacaabay Guddoomiye ku xigeen cusub, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Wareegtada, Madaxweynaha, ayaa waxay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Cabdirashiid Cabdillaahi Handi;

Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Salal;

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Xuseen Iidle Barkhadle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here