Taliyaha Booliska Somaliland Oo Tababar U Soo Xidhay Ciidamo

0
769

Mandheera (Hargeisa Press.com): Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland sareeye guuto C/laahi Fadal Iimaan, ayaa tababar u soo xidhay ciidamo dhamaystay tababar in muddo ah uga socday  dugsiga ciidamadda ee Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil.

Ciidamadan taliyuhu tababarka u soo xidhay oo noqonaya dufcadii 31aad, ayaa isugu jiray kuwo ka socday ciidamadda laanta socdaalka Somaliland iyo kuwa booliska.

Iyadoo mudadii uu tababarkaasi socday ciidamadaasi la barayay qaybaha kala duwan ee shuruucda kala gedisan ee dalka.

Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland oo xidhitaankii tababarkaasi khudbad u jeediyay ayaa ku amaanay ciidamadii tababarka dhamaystay sidii wanaagsanayd ee ay  dedaalka u muujiyeen mudadii ay waxbarashadda ku jireen.

Halkan Hoose Ka Daawo Khudbadii Taliye Fadal:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here