Tahriibayaal Fara badan oo lagu badbaadiyay Xeebaha Koonfureed ee dalka Talyaaaniga

0
991

Ciidammada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay badbaadiyay tahriibayaal tiradoodu ay gaarayso 1,500 oo qof.

Ciidanka ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in dadkaan ay la saocdeen shan doonyood. Iyadoo badbaadintooda ay timid kaddib markii ay qeylo-dhaan u direen ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Tahriibayaashan lasoo badbaadiyay ayaa la geeyay jasiiradaha Lampedusa iyo Sicily ee dalka Talyaaniga, kuwaasoo inta badan la dajiyo tahriibayaasha gaaray waddanka Taliyaniga.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga UNHCR iyadana ayaa sheegtay in sannadkii lasoo dhaafay tahriibayaal ay tiradoodu ahayd 3,500 oo qof ay ku dhinteen badda Mediterranean, halka 200,000 oo qofna laga badbaadiyay baddaas.

Waddanka Talyaaniga ayaa sannadkii lasoo dhaafay wuxuu qaabilay 170,000-qof oo soo-galooti magan-galyo doon ah, kuwaasoo u badan Afrikaan iyo Carab kana galay wadadnka Talyaaniga dhanka badda.

Ammaan-darrida ka jirta dalka Liibiya ayaa loo aanaynayaa ququla sare u sii kacaya ee tahriibayaasha isku biimeynaya badda Mediterranean-ka si ay u gaadhaan Qaaradda Yurub.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

TB1K.qkHpXXXXXkaXXXoNAWQpXX-300-251
advertisements.
4365_53c59b7c46011
advertisements

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here