Tacsi: Geerida Alle ha u Naxariistee Marxuumada Canab Ismaaciil Xuluulad iyo Dardaarankeedii Qiimaha lahaa ee Dublin 5/10/2015

0
1007

Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun,Waxaan Tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, iyo Gaar ahaan Saaxiibkay Deeq M Aadan Geerida Naxdinta leh ee ku timi Hooyadii Canab Ismaaciil Cadaan oo ku geeriyootay Magaalada Dublin ee Dalka Ireland. Allah ha u naxariistee Marxuumada oo aan Gurigooda Dublin ku booqday 5tii Bishii October 2015 Xiligaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu booqasho ku joogay Dalka Ireland, iyada oo Marxuumadu aad u xanuunsan hadana si karaamo iyo Sharaf leh oo maamuus badan ayay ii soo dhawaysay.

 

Allah ha u Naxariistee Marxuumadu waxay ahayd Hooyo aad u fiican oo Karaamo iyo Sharaf Leh, Waxay ahayd Muwaadinad Dalkeeda jecel, waxaanay aad iigu waanisay in wanaaga iyo horumarka Dalkeena Somaliland laga shaqeeyo, Saaxiibkay Deeq ayaa ahaa Will baarri ah oo duco qaba oo Hooyadii Habeen iyo Maalinba ag joogay oo Xanaanayn jiray mudada dheer ee ay Marxuumadu xanuunsanaysay.

 

 

Waxaan Marxuumada Allah uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka Waraabiyo, Dhamaanteena uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin.

 

Tacsi: Dadka ku Dhintay Shilka Baabuur ee Galabta ka dhacay wadada u dhaxaysa Gabiley iyo Kalabaydh

Inaa Lilaah wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Waxaan Tacsi u dirayaa Qoysaskii, Qaraabadii, iyo Dhamaan Eheladii iyo Ummadii ay ka baxeen 15ka Marxuum ee galabta ku dhintay Shilka Baabuur ee ka dhacay Jidka u dhxeeya Gabilay iyo Kala-baydh. Waxaan Allah uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo dadka shilkaas ku dhintay, ehelada ay ka baxeena uu Samir iyo Iimaan ka siiyo, inta dhawaaca ahna waxaan Allah waxaan uga baryayaa inuu Shaafiyo oo uu caafimaad degdeg ah siiyo. Aamiin.

 

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here