Sulaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanka Iyo dhalinyarta Beesha Bariga Hargaysa oo Taageeray, Saldhiga Milatari ee Dawladu ka Siinayso Imaaraadka + SAWIRRO

0
1329

Hargeysa,(HargeisaPress) —Sulaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanka Beesha badhtamaha iyo bariga Hargaysa ayaa si weyan u taageera go’aanka ay xukuumadu Imaaraadka ku siinayso Saldhiga milatari ee Madaarka Berbera, shirjaraaid oo ay si wada jira ugu qabteen Magaalada Hargaysa Suladaan Maxamed Suldaan Xasan Bare, Suldaan Maxamed C/laahi Xaaji Aadan, Suldaan Mahad Caraj Xirsi, Suldaan Cali Badacas, Jiif Caaqil Cabdi Faarx  yuusuf, iyo dhaliyaro, Aqoon yahayan tiro badan ayey si weyan u taageeray in xukuumadu Saldhig Milatari ka siiso Madaarka Berbera Dawlada Imaaraadka Carabta.

 

Suladaan Maxamed Suldaan Xasan Bare oo shirkaasi jaraaid ugu horayan ka hadlaya ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”maanta shirkan jaraaid ee aanu qabanaynaa waxa uu daaran yahay runtii arimo badan oo maanta wadankeena ka jira, taas oo u baahan in laga hadlo, wadanku wuxuu u baahan yahay in la dhiso uma baahna in la dumiyo, wixii maanta macqoola ee wanaag leh ee sharf leh ee u soo kordhaya haday xildhibaan tahay haday suldaan tahay , haday oday dhaqmeed tahay, haday tahay wax garad, aqoonyahan, dhalin yaro intuba in ay ogaadaan wixii dalka iyo dadka iyo umadaba u dan ah weeyaan, maanta waxa aynu ka hadlaynaa, inbadan oo saxaafada aynu maqalay, in laga hadlayo dekeda Berbera, in laga hadlayo Madaarka Berbera, Berberi waa dhulkeenii inaga ayaa leh, cid inaga qaadaysaana ma jirto.”

Suldaan Maxamed C/laahi Xaaji Aadan ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa:- “marka hore waxa aanu leenahay hadaanu nahay Salaadinta iyo Odayaasha halkan fadhiya, anaga iyo Dadka naga talo qaataa, waanu taageersan nahay, ku dhiirashada Xukuumadu ay ku dhiiratay, in Dalka Maalgalin shisheeye ay timaado, tii Dekeda ayaanu taageersanahay,tanaanu taageersanahay, marlabaadka waxaanu leenahay, Wadan Somaliland la yidhaado ayeynu nahay, Xukuumada aynu u dooranay iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa ka taliya,”

Suldaan Mahad Caraj Xirsi ayaa isna waxa uu yidhi “ waxaanu si weyan u taageersanahay , maanta maalgashiga ay bixisay Dawladu ee Madaarka Berbera, ee ay Dawlada Imaaraadka kula heshiisay.”

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Sulaadiin Cuqaal iyo dhalinyaro kale oo ku dheeraaday muhiimada uu Dalka u leeyahay Saldhiga Milatari ee Magaalada laga siinaayo Dawlada Imaaraadka Carabta.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here