Sool: Wasaaradda Biyaha Oo Dayactir Ku Samaynaysa Ceelal

0
579

Laascaanood (Hargeisa Press): Wasaaradda biyaha Somaliland ayaa bilawday hawl-gallo lagu dayactirayo Ceel-biyoodyo ku yaalla gobolka Sool.
Hawl-galkaasi oo ay wasaaradu maanta bilawday waxaa gacan ka siinaysa haayadda qaramadda midoobay ee UNICEF.
Ceel-biyoodyadaasi oo aan muddooyinkan shaqaynin ayaa ku kala yaalla deegaamadda Sama-kaab iyo Ganbadha.
Waxaana maanta Ceelashaasi qalabkii lagu dayactirayay gaadhsiiyay isuduwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Sool Axmed Maxamuud Xirsi.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here